Sign in to follow this  
Deeq A.

Falcelin taariikhi ah oo ka dhalatay go’aankii xukuumadda Rooble ee ONLF iyo Qalbi-Dhagax

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka iyo inta badan siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa aad u soo dhaweeyey go’aankii ay maanta golaha wasiirrada Soomaaliya liiskii lagu daray ee argagixisada uga saareen Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax iyo ururka ONLF.

Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh, hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Mahad Salaad iyo Axmed Macalin Fiqi ayaa soo kala saaray qoraalo ay ku bogaadinayaan qaraarkii ay maanta qaadatay xukuumadda Rooble.

Hoos ka akhriso qoraaladii ay soo saareen siyaasiyiintaas:

Xasan Sheekh Maxamuud: “In ONLF argagixiso lagu summadeeyo waxay muujineysay madaxbannaani la’aanta siyaasaddeena arrimaha dibadda muddooyinkaan dambe. Ka laabashada maanta ee go’aankaas gurracnaa waxa uu Soomaaliya ku soo celinayaa waddadadii toosnayd ee diblamaasiyadda dhexdhexaadka ah. Waan bogaadinayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Golehiisa wasiirrada.” 

Shariif Sheekh Axmed: “Waxaan bogaadinayaa, soona dhoweynayaa go’aanka Golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya uga laabtay qaraarkii 2017 ururka ONLF Xukuumadda ugu aqoonsatay urur argagixiso, laguna dhiibay Cabdikariim Sh Muuse Qalbi Dhagax, waa go’aan taariikhi ah oo hoosta ka xariiqayaa qaranimada iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed.”

Cumar Cabdirashiid: Waxan soo dhoweynayaa go’aanka Goloha Wasiirada ee looga noqday go’aankii  ONLF looga dhigay argagixisada iyo raaligelinta laga bixiyey falkii baal marsanaa Somalinimada ee lagu dhiibay xurmadle Qalbidhagaxx. Go’aankii 2017 wuxuu ahaa taarikh Madow. Well done PM @MohamedHRoble.

Axmed Madoobe: Waxaan soo dhawaynayaa go’aanka wanaagsan ee ay maanta Xukuumada Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku saxday qaladkii taariikhiga ahaa ee ay hore DFS ugu aqoonsatay ururka ONLF inuu yahay urur argagixiso. 

Sidoo kale, waxaan uga mahad celinayaa Golaha Wasiirada ee Federaalka garwaaqsiga ay garwaaqsadeen in falkii lagu dhiibay muwaadin Cabdikariim Sheikh Muuse(Qalbidhagax) ahaa fal qalad ah, ceebna ku ahaa qaranimada iyo sharafta umadda Soomaaliyeed.

Abshir Bukhaari: Mahadcelin ballaaran & bogaadin ayaan u dirayaa xurmadle Ra’iisal wasaare @MohamedHRoble & Golihiisa wasiirada oo maanta baabi’iyey wax-kama-jiraanna ka dhigay go’aankii dhagarta ahaa 2017 ee hoggaankii Nabad & Nolol @M_Farmaajo & @HassanAKhaire ay ugu gacan geliyeen galeen dowlada Itoobiya halgamaa Cabdikarim Sheekh Muse Qalbidhagax isla markaasna ay ugu aqoonsadeen ururka gobonimo-u-dirirka ahaa ONLF urur agagixiso. Go’aankaas waxa uu ahaa godob ay ka galeen shacabka iyo dowladnimada Soomaaliyeed kuna magaca ummadda Soomaaliyeed.

Aadam Aw-Xirsi: Kani waa go’aan taariikhi ah. Run ahaantii, waa bar madow oo Jamhuuriyadda Soomaaliyeed laga fujiyey. Qaarkiin baa la gole iman doona “dan siyaasadeed ayaa go’aankan laga leeyahay.” Waxaan kuwaa ku leennahay “yeelko.” Boqol danood ha laga lahaado haddii la doono.

Wixii sax ahi waa sax, waxna nagama gelin ciddii dan kale ku dhex wadata, iyaduu mindhaa ajarku uga yaraanayaa.

Cashar: 

1- Waa in uu mas’uul kasta oo Soomaali ahi ogaadaa in xafiiska looga dambayn doono. 

2- Waa in uu mas’uul kasta oo Soomaali ahi ogaadaa in aysan nacamlayaashu is-garab taagi doonin markii ay xaaladdu is beddesho.

3- Waa in uu mas’uul kasta oo Soomaali ahi ogaadaa in go’aan kasta oo aan sharci iyo anshax ku fadhiyin ee ay isaga iyo nacamlayaashiisu meel ku xarriiqaan, in isagoo Xamar dhinac ka jooga — ama hadduu rabo xafiisyada dhinac ka fadhiya — qashinka uu qoro daaqadda laga tuuri doono.

Cabdiraxmaan Caynte: Xurmadle @MohamedHRoble wuxuu taariikhda Soomaaliya ka galay baal dahab ah, sida waddaniyadda leh ee uu uga dhiidhiyey gaboodfalkii foosha xumaa ee lagula kacay halgamaa Qalbidhagax markii loo dhiibay taliskii TPLF ee Itoobiya, iyo summadeyntii gurracneyd ee ONLF. Guuleyso

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame: “Waxaan u mahadcelinayaa Raysalwasaare Rooble iyo Golaha Xukuumadda go’aankii ay maanta ummada Soomaaliyeed kaga daweeyeen daqarkii ceebeed, loogana laabtay gaboodfalkii lagula kacay halgamaa C/kariin Sheekh Muuse (Qalbidhagax) iyo ururkii uu ka tirsanaa ee Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadeniya (JWXO) ee argagexisada lagu tilmaamay.”

Axmed Macalin Fiqi: “Go’aankii maantay golaha wasiiradu ay gaareen wuxuu caddaynayaa in danbi kasta oo dalkan laga geysto haba soo daahee maalin un in cadaaladiisa la gaari doono! Haddii sharcidarro horey Barlmamaanku ugu tilmaamay go’aankii golaha wasiirada ee 06 September 2017, maantana raalli gelin laga bixiyey arrintaas, lagana noqday go’aankii qaldanaa, waxaa dhiman in ciddii k mas’uulka ka ahayd xadgudubkaas in sharciga la horkeeno, loona saaro guddi qaran oo baaritaan sax ah soo sameeya.”

Mahad Salaad: Waxaan ugu hambalyeynayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Golihiisa Wasiirada in ay ka laabteen go’aankii ceebeed ee QALBI-DHAGAX lagu dhiibay, ONLF-na loogu gefey. Waxay ahayd bar-madow oo ku suntaneed dadka iyo dowladnimada Soomaaliya. Mudane Ra’iisul Wasaare waad ku mahadsantahay in aad naga xoreysay go’aankaas ceebeed ee Farmaajo iyo Khayre ay bideen dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa aad u soo dhaweeyey go’aankii ay galabta golaha wasiirrada Soomaaliya uga saareen liiskii lagu daray ee argagixisada, isaga iyo ururkiisa ONLF.

Qalbi-Dhagax waxa uu sheegay inay qaateen raali gelinta xukuumadda Rooble, balse aysan cafi doonin xubnihii ka soo shaqeeyey in Itoobiya loo dhiibo, ururka ONLF-na lagu shaabadeeyo argagixiso, isagoo cadeeyey in kiiskiisa gacanta ugu weyn uu ku lahaa Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo.

The post Falcelin taariikhi ah oo ka dhalatay go’aankii xukuumadda Rooble ee ONLF iyo Qalbi-Dhagax appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this