Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya Oo Liiska Argagaxisada Ka Saartay ONLF

Recommended Posts

Deeq A.   
Xukuumadda Soomaaliya ayaa dib uga noqotay go’aan 2017-kii ururka ONLF ay dowladda Soomaaliya ugu aqoonsatay urur argagixisanimo.
Kulan maanta ay isugu yimaadeen golaha wasiirada xukuumadda, kaas oo uu shir guddominayay ra’iisul wasaaraha dalka ayaa lagu laalay go’aankii xukuumaddi Xasan Cali Kheyre ay liiska argagaxisada ugu dartay ururka ONLF.
“Golaha Wasiirrada XFS oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyay in laga laabto go’aan uu horay u gaaray Golaha Xukuumadda Sanadkii 2017, kaas oo ururka ONLF u aqoonsaday urur agagixiso, ka dib dhiibistii Cabdikariin Muuse Qalbi dhagax oo loo gacan geliyay Ethiopia, tallaabadaas oo goluhu isku u codeeyay in ay ahayd khalad”, ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.
Goobjoog News
269520314_280496034179550_56504233470432
269582118_280496600846160_51700581914617
269677005_280496430846177_55303212648792
272278323_280496844179469_82831331799929
269601965_280497050846115_85898765709727

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this