Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Bayle iyo Xamsa Oo Ka Hor Yimid In Liiska Argagaxisada Laga Saaro ONLF!

Recommended Posts

Deeq A.   
Kulan maanta ay isugu yimaadeen golaha wasiirada xukuumadda, kaas oo uu shir guddominayay ra’iisul wasaaraha dalka ayaa lagu laalay go’aankii xukuumaddi Xasan Cali Kheyre ay liiska argagaxisada ugu dartay ururka ONLF.
Kulanka ayaa dood dheer kadib xukuumadda ay u coodeysay in cod gacan taag ah looga noqdo go’aankii Xukuumaddii Kheyre ay liiska argagixisada ugu dartay ururka ONLF.
Go’aanka oo helay cod aqlabiyad ah ayaa waxaa ka hor yimid laba kamid ah wasiirada xukuumadda ra’iisul wasaare Rooble .
Wasiirka Maaliyadda xukuumadda ra’iisul wasaare Rooble ayaa si cad uga hor yimid go’anka dowladda ay kaga noqoneyso ONLF in lagaga saaro liiska argagixisada.
Bayle ayaana noqday wasiirka keliya ee diiday in go’aanka in laga noqdo, Beyle ayaana kamid ahaa wasiiradii u codeyay in liiska argagixisada lagu daro ONLF xukuumaddii Xasan Cali Kheyre.
Dhinaca kale wasiirka dhalinyarada iyo isboortiska Xamsa Saciid Xamsa ayaa isna noday wasiirka keliya ee ka aamusay go’aankan.
Xamsa ayaa horay uga tirsaneyn xukuumaddii Kheyre ee ansixisay in liiska argagixisada lagu daro ONLF balse hadda waxa uu ku fadhiyaa kursiga Wasiiraddii hore ee caafimaadka ee Maryan Qaasim, taas oo aheyd wasiirka keliya ee 2017 diiidday in ONLF lagu daro liiska argagixisada.
Xukuumadda Xasan Cali Kheyre ayaa 2017-kii ONLF ku dartay liiska Argagaxisada xilligaas oo sidoo kale ay noqotay markii ugu horeysay ay doawladda Soomaaliyeed muwaadin u gacan geliso dowlad shisheeye xilligaa oo ay Cabdikariin Muuse Qalbi dhagax u dhiibeen dowladda Itoobiya
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this