Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya Iyo Midowga Afrika Oo Ku Heshiiyay In La Beddelo Howgalka AMISOM

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa la sheegay in ay isla garteen qaabka uu noqonayo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ku dhowaad saddexda sanno ee soo socota.

Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib kulan ka dhacay magaalada Addis Ababa. Sida ku cad dukumentiyada la faafinayay, howlgalka cusub ee Midowga Afrika ayaa ka gudbi doonaa AMISOM, wuxuuna u gudbi doonaa Howlgalka Ku meel gaadhka ah ee AU ee Soomaaliya.

“AU iyo Dowladda Soomaaliya ayaa si guul ah u soo gabagabeeyey wadatashiyo socday muddo toddobaad ah oo ku saabsan qaab-dhismeedka howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Calanka Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi war kasoo baxay guddiga amniga midowga Afrika.

Guddiga farsamada ee Soomaaliya u qaabilsan wada xaajoodka, hannaanka kala guurka ee amniga qaranka, ayaa ku dhawaaqay heshiiska qorshaha amniga qaranka kulan ay la yeesheen xubnaha golaha ammaanka iyo nabadda Midowga Afrika.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this