Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Xogta 5 kursi Golaha Shacabka ee lagu doortay Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   
20220122_194834.jpg?resize=720%2C418&ssl

Waxaa goordhaweyd la soo gabagabeeyay doorashada 5 kursi oo ka mid Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lagu qabtay xerada ciidamada 54-aad ee magaalada Garowe.

5 kursi ayaa mid walba wuxuu u xirnaa musharax gaar ah oo qaarkood ka mid ahaayeen golaha xukuumadda Madaxweyne Deni, waxayna natiijada doorashadu ahayd mid la sii ogaa sida ay shalay baahisay Puntland Post.

Kursiga Hop#196 waxaa ku soo baxay Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan), Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Puntland oo laga soo doorto degmada Taleex ee gobolka Sool u dhashay Beesha Nuur Axmed (Sool clan).

Kursiga Hop#249 waxaa ku soo baxay Cabdullaahi Xasan Rooble Wasiru-dowlaha Waxbarashada Puntland, oo laga soo doorto xarunta gobolka Cayn ee degmada Buuhoodle, kana soo jeeda Beesha Hayaag (Sool clan).

Kursiga Hop#200 waxaa ku soo baxay Cali Yuusuf Cali Xoosh oo kursigan hore ugu fadhiyay, lagana soo doorto gobolka Nugaal degmada Garoowe, una dhashay, Beesha Ciise Maxamuud (Majeerteen).

Kursiga Hop#235 waxaa ku soo baxay Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ahaa xildhibaan iyo wasiir heer Federaal ah, oo laga soo doorto degmada Xuddun ee gobolka Sool, una dhashay Beesha Naaleeye Axmed (Sool clan).

Kursiga Hop#166 waxaa ku soo baxay Axmed Cabdi Xaashi (Axmed Taajir), Taliye ku xigeenkii hore ee Booliiska Soomaaliya xilligii Cabdullaahi Yuusuf, oo kursigiisa laga soo doorto degmada Galdogob ee gobolka Mudug una dhashay Beesha Maxamed Muu’min (Leelkase).

  • WipeOut41_22_2022_074116.834000.jpg?resiCabdullaahi Bidhaan
  • WipeOut38_22_2022_073834.286000.jpg?resiCali Xoosh
  • FB_IMG_16428684203116312.jpg?resize=570%Axmed Taajir
  • 20220122_193503.jpg?resize=720%2C418&sslCabdullaahi Rooble
  • WipeOut34_22_2022_073414.442000.jpg?resiCabdi Qowdhan

PUNTLAND POST

The post Puntland: Xogta 5 kursi Golaha Shacabka ee lagu doortay Garowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this