Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibad-bax Weyn Oo Lagu Taageerayey Doodii Baarlamaanka UK Ka Yeeshay Aqoonsiga Somaliland Oo Ka Dhacay Hargeysa+SAWIRRO

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland waxaa maanta ka dhacay dibad-bax ballaadhan oo ay dhigeen dadweynaha ku dhaqan magaaladaas iyo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo xisbiyadda mucaaridka ah, kuwaas oo isugu soo baxay beerta Xoriyadda ee magaalada Hargeysa.

Ujeedka dibad-baxa ayaa ahaa mid lagu taageerayey doodii uu dhowaan baarlamaanka UK ka yeeshay aqoonsiga Somaliland, kadib markii uu horgeeyey xildhibaan Gavin Williamson.

Dibad-baxa ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo hadal ka jeediyey goobta, kana hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan tahay qaddiyada Somaliland iyo sidii loo sii wadi lahaa dadaalkeeda Ictiraafka raadinta.

Sidoo kale waxaa banaan-baxa oo ah mid ballaadhan kasoo muuqday xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada iyo Duqa Hargeysa, iyaga oo gacmaha ku sitay calanka Somaliland, waxayan soo dhoweeyey dooda xildhibaanada UK ka yeesheen aqoonsiga Somaliland.

Baalamaanka UK ayaa toddobaadkii hore dood dheer ka yeeshay aqoonsiga Somaliland, waxaana doodda oo ahayd mid dhinacyo badan ay xildhibaanada iska taageen qadiyada Somaliland iyo sida ay dowladda UK ka yeelayso ayaa socotay muddo ka badan hal saac.

Xildhiabanada ayaa intooda badan la dhacsanaa doodda uu soo bandhigay xildhibaan Gavin Williamson oo ahaa xildhibaankii aqalka horkeenay mooshinka ka doodida aqoonsiga Somaliland.

Xildhiaban Gavin oo dooda u soo bandhigayay xubnaha aqalka baarlamaanka ayaa sheegay in la joogo xilligii ay UK aqoonsan lahayd Somaaliland.

  • 1-4.jpg
  • 2-2.jpg
  • 3-1.jpg
  • 4-1.jpg
  • 5-1.jpg
  • 6.jpg
  • 7.jpg
  • 8.jpg
  • 9.jpg
  • 11.jpg
  • 12.jpg
  • 13.jpg
  • 14.jpg
  • 15.jpg
  • 16.jpg
  • 17.jpg
  • 18.jpg
  • 19.jpg
  • 272239864_332159605583158_40424261585450
  • 272321068_332160825583036_87873162117025

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this