Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: 5 Kursi Oo Maanta Lagu Dooranayo Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Garowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu wadaa in maanta lagu qabto  doorashada 5 kursi oo ka mid noqonaya Baarlamaanka 11 ee golaka shacabka Soomaaliya.

Guddiga doorashooyinka heer federal ee maamulka Puntland ayaa shalay soo gabagabeeyey diiwaan gelinta murashaxiiinta ku tartamaya 5 oo ah kuwii ugu horeyey ee lagu doorto Garowe.

Kuraasta maanta lagu dooranayo Garowe ayaa waxaa tirsigoodu kala yahay HOP#196, HOP#166, HOP#249, HOP#200 iyo kurisga HOP#235.

Amaanka guud ee magaalada ayaa siweyn loo adkeeyey iyadoo la mamnuucay in magaalada hub lagu dhex qaato, waxaana lagu arkayaa gaadiidka ciidamada ammaanka oo taagan wadooyinka iyagoo sugaya amniga.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this