Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Dibad-bax weyn oo ka dhacay HARGEYSA

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland waxaa maanta ka dhacay dibad-bax ballaaran oo ay dhigeen dadweynaha ku dhaqan magaaladaas iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka, kuwaas oo isugu soo baxay beerta Xoriyada Hargeysa.

Ujeedka dibad-baxa ayaa ahaa mid lagu taageerayey doodii uu dhowaan baarlamaanka UK ka yeeshay aqoonsiga Somaliland, kadib markii uu horgeeyey xildhibaan Gavin Williamson.

Dibad-baxa ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo hadal ka jeediyey goobta, kana hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan tahay qaddiyada Somaliland iyo sidii loo sii wadi lahaa dadaalkeeda Ictiraafka.

Sidoo kale waxaa banaan-baxa oo ah mid ballaaran kasoo muuqday xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada iyo Duqa Hargeysa, iyaga oo gacmaha ku sitay Calanka Somaliland, waxayan soo dhoweeyey dooda xildhibaanada UK ka yeesheen aqoonsiga Somaliland.

Baalamaanka UK ayaa isbuucii hore dood dheer ka yeeshay arrinta aqoonsiga Somaliland, waxaana doodda oo ahayd mid dhinacyo badan ay xildhibaanada iska taageen qadiyada Soomaaliland iyo sida ay dowladda UK ka yeelayso ayaa socotay muddo ka badan hal saac.

Xildhiabanada ayaa intooda badan la dhacsanaa doodda uu soo bandhigay xildhibaan Gavin Williamson oo ahaa xildhibaankii aqalka horkeenay mooshinka ka doodida aqoonsiga Soomalailand.

Xildhiaban Gavin oo dooda u soo bandhigayay xubnaha aqalka baarlamaanka ayaa sheegay in la joogo xilligii ay UK aqoonsan lahayd Somaaliland.

Si kastaba, Somaliland ayaa tan iyo wixii ka dambeeyey 1991-kii raadineyso inay hesho madax banaani, si ay uga go’ado Soomaaliya, balse uma suura-gelin, waxaana dhowr mar dhacay wadahadallo u dhexeeyey labada dhinac oo aan weli laga gaarin natiijo wanaagsan.

aaedb069-5f87-4337-901a-35df9eac0027.jpg 24f3e35e-aafc-45ee-89b3-5388d8f05fe1.jpg 272374054_10159471632759475_664783011086

The post Sawirro: Dibad-bax weyn oo ka dhacay HARGEYSA appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this