Sign in to follow this  
Deeq A.

A/Madoobe oo ku ceeboobay heshiiskii Lafta-gareen ee kuraasta HOP56 iyo HOP126

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa lumiyey mid kamid ah dhallinyaradii u halgantay xukun joogiisa, waana Maxamed Xasan Idiris oo loo yaqaan (Maxamed Ganaey).

Wuxuu ahaa mudane ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaankii Tobanaad Shantii Sano ee lasoo dhaafday, wuxuuna ku fadhiyey kursigiisa HOPP#126.

In qof siyaasi ah kursi loo diido maahan mowduuc weyn, laakiin sida loo lumiyey ninkaasi dhallinyarada ah waa cashir dhaawacaya shaqsiyadda iyo daacadnimada hoggaamineed ee Axmed Maxamed Islaam.

Axmed Madoobe wuxuu kursigaan dhaafsaday kursi uu ku fadhiyo nin ay xigto yihiin oo la yiraahdo Geelle, kaasoo yaalo Koonfur Galbeed.

In labada kursi la isku badasho Laftagareen waa u siyaasad oo wuxuu la yimid nin uu aamisan yahay inuu codka geyn doono meesha uu isagu rabo, waana Xasan Eelaay, laakiin Axmed Madoobe kursigaan siyaasad ahaan uma wajihin ee heyb ahaan ayuu u sariftay.

Axmed Madoobe iyo Lafgareen si buuxda ayey uga heshiiyeen isdhaafsiga labadaan kursi ee HOPP#56  iyo HOPP#126.

Laftagareen wuxuu Kursiga HOP#56 u dhaafayaa Geelle, halka Axmed Madoobe uu kursiga HOPP#126 siin doono Xasan Eelaay oo kamid ah golaha wasiirada ee maamulka Koonfur Galbeed.

Axmed Madoobe oo isaga aabi badan oo dhanka Geelle ah laga so wariyey ayey xujada Koowaad ag taalaa oo ah inuu marka hore isagu bixiyo Kursiga HOPP#126.

Dhawaan mar ayaa la sheegay in dhinaca Axmed Madoobe isku dayeen inay ballanta ka noqdaan kadib markii ay la xumaatay sida ay u dulmiyeen ninka dhallinyarada ah ee Maxamed Ganey oo kooxdooda kamid ahaa, balse dhanka Laftagareen ayaa la sheegay inay iyaguna ceejiyeen fursadda Geelle markii ay shakiyeen.

Si walbaba, 26-ka Bishaan ayaa Magaalada Kismaayo waxaa kursiga HOPP#126 lagu siin doonaa Xasan Eelaay kadibna dhanka Koonfur Galbeed ayaa laga sugayaa inay Geelle soo siiyaan Kursiga HOPP#56.

The post A/Madoobe oo ku ceeboobay heshiiskii Lafta-gareen ee kuraasta HOP56 iyo HOP126 appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this