Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqayn lagu laayay dad rayid ah oo ka dhacday Yemen

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 30 ruux ayaa ku dhintay in ka badan  170 kalena waa ku dhaawacmeen duqayn xalay ka dhacday xabsi ku yaal waddanka yemen.

Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in dhammaan dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay rayid ahaayeen.

Duqaynta oo ka dhacday xabsi ku yaalla Gobolka Sacda ee dalka Yemen ayaa lagu eedeeyay isbaheysiga ay hoggaamiyaan Sacuudiga iyo Imaaraatiga Carbeed.

Sidoo kale khadka Internet-ka ayaa ka go’an qayba badan oo kamid ah waddankaas Yemen kadib markii duqaymo lala beegsaday xarumaha Isgaarsiinta qaarkood.

PUNTLAND POST

The post Duqayn lagu laayay dad rayid ah oo ka dhacday Yemen appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this