Deeq A. Posted January 22, 2022 Ugu yaraan 30 ruux ayaa ku dhintay in ka badan 170 kalena waa ku dhaawacmeen duqayn xalay ka dhacday xabsi ku yaal waddanka yemen. Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in dhammaan dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay rayid ahaayeen. Duqaynta oo ka dhacday xabsi ku yaalla Gobolka Sacda ee dalka Yemen ayaa lagu eedeeyay isbaheysiga ay hoggaamiyaan Sacuudiga iyo Imaaraatiga Carbeed.Sidoo kale khadka Internet-ka ayaa ka go’an qayba badan oo kamid ah waddankaas Yemen kadib markii duqaymo lala beegsaday xarumaha Isgaarsiinta qaarkood. PUNTLAND POST The post Duqayn lagu laayay dad rayid ah oo ka dhacday Yemen appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites