Deeq A. Posted January 21, 2022 Waxaa magaalada Muqdisho lagu doortay guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafadka arrimaha doorashooyinka dalka. Tartan ayaa waxaa isku soo sharaxay laba musharax oo kala ah Mustaf Macalin Cali iyo Maxamed Cawil Warsame. Maxamed Cawil Warsame ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka arrimaha doorashooyinka kadib markii uu u tanaasulay musharixii la tartamayay ee Mustaf Macalin Cali. Guddoomiyaha loo doortay guddiga xalinta khilaafadka arrimaha doorashooyinka dalka ayaa kamid ahaa 7 xubnood oo dhawaan ra’iisul wasaare Rooble magacaabay. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites