Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Oo Doortay Guddoon Cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa magaalada Muqdisho lagu doortay guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafadka arrimaha doorashooyinka dalka.

Tartan ayaa waxaa isku soo sharaxay laba musharax oo kala ah Mustaf Macalin Cali iyo Maxamed Cawil Warsame.

Maxamed Cawil Warsame ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka arrimaha doorashooyinka kadib markii uu u tanaasulay musharixii la tartamayay ee Mustaf Macalin  Cali.

Guddoomiyaha loo doortay guddiga xalinta khilaafadka arrimaha doorashooyinka dalka ayaa kamid ahaa 7 xubnood oo dhawaan ra’iisul wasaare Rooble magacaabay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this