Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo sheegtay in lagu guulaystay wejiga kowaad ee nabadayntii Saax-maygaag iyo Senge

Recommended Posts

Deeq A.   
Gudi.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Puntland ayaa xaqiijisay in dhinacyadii ku dagaallamay Saax-maygaag ay si buuxda u fuliyeen dhammaan go’aannadii ka soo baxay shirkii nabadaynta Hadhwanaag.

Sidaas waxa sheegay guddi ka kooban mas’uuliyiinta dowladda oo qaabilsan dhaqan-gelinta go’aannadii ka soo baxay shirkaas.

Guddiga ayaa tilmaamay in lagu guulaystay wejiga kowaad ee nabadaynta Saax-maygaag iyo Senge-jebiye islamarkaana loo gudbayo wejiga xiga si loo dhammaystiro.

Guddiga ayaa sidoo kale bogaadiyay kaalinta ay nabadaynta ka qaateen hoggaanka dhaqanka labadii dhinac ee dagaallamay.

PUNTLAND POST

Abdourahman Isse

The post Puntland oo sheegtay in lagu guulaystay wejiga kowaad ee nabadayntii Saax-maygaag iyo Senge appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this