Sign in to follow this  
Deeq A.

Magaalada Harta Sheekh oo gubanaysa Sixir Awgii

Recommended Posts

Deeq A.   
Harta-Sheekh

Maamulka magaalada Harta-Sheekh ee deegaanka Soomaalida ayaa sheegay inuu dhibaato ba’an uu ku hayo dab magaaladassi si joogta ah uga kacaya ayna garaneyn waxa kicinaya.

Toddobaadkan gudahii waxaa la sheegayaa inuu magaaladaasi Ganacsiga xuddunta u ah seddex jeer uu dab ka kacay dhibaatana uu gaarsiiyey qoysas danyar ah.

Duqa Magaalada Hartashiikha Mukhtaar Xasan Aadan oo BBC u warramay ayaa sheegay in ka dib markii baaritaanka ay ku sameeyeen ay u soo baxday arrinta iney ka weyn tahay wax bani aadam uu sameeyo oo wax kale ay meesha ku jiraan.

“Gubashada imika muddo isbuuc ah ayay nagu bilaabantay waxaana markii hore gubtay laba guri inagoo u arkeeynay gubashadii iska caadiga ahayd, hadana habeenkii uu jimacaha soo galayay ayuu dabka caadi u bilowday ilaa hadana wuu socdaa.”

“Maalintii ugu yaraan 3 guri ayaa gubanaya maanta ugu dambeysay laba guri ayaanu daminay, markii saddexaadna waxaam baqtiinay caleen oloshay ilaa haatanna gubashada waxay mareysaa 12 guri toddobaadkan gudihii oo keliya,” ayuu yiri Mukhtaar Xasan Aadan.

Maxay tahay sababta ay guryaha u gubanayaan?

Joodari gubtay

XIGASHADA SAWIRKA,DUQA MAGAALADA HARTA-SHEEKH

Qoraalka sawirka,Joodari gubtay

Duqa magaalada ayaa sheegay in ka dib markii ay baaritaano sameeyeen ayaa waxay ogaadeen in dabka sabata dhabta ah aysan garanayn balse ay u maleeyeen inuu sixir yahay.

Waxa uu sheegay in dadka guryahaasi gubtay ku suganaa ay u sheegeen in dabka marka hore la arkaya uun iyadoo barkimaha iyo firaashyada oo gubanaya.

“Dadka waxay kuu sheegayaan inay arkayaan uun barkimaha, firaashyada iyo shandaha oo ololayaa iyada oo aan guriga yaalin wax dab, leerkana dansan yahay.”

“Arrimahaa markaan u sii kuurgalnay oo aan baaritaano dheeraad ah sameynayay ayaa waxaa dhacday in mar noogula yeeray inaan argano furaash gubanayaa ayaan waxaan aragnay cawdii na garab taalay ay oloshay.”

Dhacdooyinka aadka inooga yaabiyay waxaa ka mid ah inaan aragnay guri uu siddeed jeer dab ka kacay, markii dadkii deganaa iyo qaraabadii ay yaabeen ayaa gabadhii deganayd guriga kooma gashay ka dibna abtigeed ayaa meel mii ah u qaaday.

Duqa magaalada ayaa sheegay in dhacdo tan la mid ah ay la kulmeen sannadkii hore xilligaan oo kale waxaana ku darnay ballaayooyinkan wareegaya ee musiibooyinka ah.

“Dhacdaan shir baanu galnay oo ka mid yihiin culimada iyo odayaasha deegaanka waxaana inoo soo baxday in arrintan Qur’aan lagu eego oo magaalada lagu akhriyo inkastoo weli ay dadkii u istaagin, laakin inagu waxaan dhaafin weynay in waxaani ay sixir yihiin oo magaalaa lagu xiray maaddaamaa sannadkii hore xilligaan oo kalena dabka noocaan ah jiray.”

Waaxda dab damiska oo ku hawlan daminta dabka

XIGASHADA SAWIRKA,DUQA MAGAALADA HARTA SHEEKH

Qoraalka sawirka,Waaxda dab damiska oo ku hawlan daminta dabka

Duqa Magaalada Hartashiikha Mukhtaar Xasan Aadan ayaa BBC-da u sheegay in haatan dabkii la baqtiiyay oo ay u istaageen shaqaalaha waxaada dabdemiska, 24-ka saacadoodna heegan baan nahay inaga ayaana xakameyna dabka, hantidana bad’baadina.

Waxa uu sheegay in haatan ay ku hawlan yihiin sidii culimada Soomaalida ay u kaashan lahaayeen meel-kasta oo ay joogaan gaar ahaan kuwa xagga sixirka taqasuska u leh oo aan numbaradoda u heli lahaa ka dibna aan magaalada ugu yeerno si ay inoogu caawiyaan cilmigaas ay aqoonta u leeyihiin.

“Magaalada hadda Qur’aanka waa la saaray, waxaana tahaliil loo qeybiyay magaalada. Sidoo kale misaajiaddada ayaa laga iclaamiyay in guryaha Qur’aan lagu akhriyo oo sameecadaha kor loo qaado.”

“Sidoo kale Arday xaafidul Qur’aaniin ah ayaa la isu keenay oo akhrisay ka dibna tahaliishii ay tufeen ayaa dadka loo qeeybiyay.” ayuu yiri Sheekh Ismaaciil Axmed oo ka mid ah culimada magaalada.”

Sheekha ayaa sheegay in sixirka, jinka iyo wixi la halmaala Qur’aanka lagu daaweeyo waxaa inoo sheegay Rasuulka Ilaahay NNKH, qaasatan waxa uu inoo sheegay in guriga lagu akhriya suuratul baqara uu jin waxba ka qaadi karayn amaba aanu soo geli karinba marka dadkuna aad ayaan u sheegnay oo waxaan ku wacyi gelinay inay guryaha ku akhriyaan Qur’aanka gaar ahaana suuratul Baqara.

“Misaajiddada ayaan sidoo kale ka bilownay qanuud iyo duco si aan aan musiibadan uga badbaadno sababtoo kolka ay musiibo dhacdo dhanka Alle ayaa loo cararaa.”

Dhanka kale waxay BBC-du la hadashay Jaamaca Xuseen Nuux oo ka mid odayaasha deegaanka, gurigiisana uu siddeed goor gubtay.

“Maalin khamiis ah oo ahayd abaare 9-kii aroornimo ayuu gurigayga ka kacay dabkii ugu horreeyay wixii dhaxyaallay-na waa ay wada gubteen ka dibna guri yar oo kale ayaanu ku guurnay.”

Jaamac ayaa sheegay in markaasi ka dib ay dheceen dhammaan dhacdooyinka kale oo uu bilaabanayay marka uu dhismaha bilaabo.

Jaamac ayaa sheegay in wax keliya ay u maleeyeen in waxaani ay yihiin sixir ama jin uun. Waxaa uu sheegay in markii ay baareen ka dib ay u soo baxday in qof bini’aadan ah uusan bilaabin dabkan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this