Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada-hadlay La-dagaallanka Argagixisada

Recommended Posts

Deeq A.   
4-2.jpg?resize=960%2C639&ssl=1

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu Xarunta Wasaaradda ku qaabilay safiirka Shiinaha, FEI Shengchao, oo booqasho ugu yimid.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha ee dhinacyada siyaasadda, amniga, la dagaallanka argagixisada, horumarinta, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale, waxaa kulanka diiradda lagu saaray sidii ay dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Shiinuhu u wada bilaabi lahaayeen mashaariic horumarineed oo laga fulinayo dalka, kuwaas oo qayb ka ah iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhexeeya labada dal, si looga dhabeeyo himilooyinka qaran ee labada Shacab ee saaxiibbada ah.

Danjiraha Shiinaha ayaa tilmaamay in ay Soomaaliya u tahay saaxiib istaraatiiji ah, isaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay Dowladda Shiinaha uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay u hayaan dowlad-dhiska Soomaaliya iyo ixtiraamka midnimada iyo madax-bannaanida dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa uga mahadceliyey dowladda Shiinaha taageerada iyo kaalinta ay ka qaadato ilaalinta midnimada iyo ixtiraamidda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada-hadlay La-dagaallanka Argagixisada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this