Deeq A. Posted January 20, 2022 Marxuum Maxamed Cabdikariin Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay shil ka dhacay jihada bari ee magaalada Garoowe. Shilka ayaa ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen laba gaari waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay laba ruux halka ay ku dhaawacmeen afar kale. Marxuum Maxamed Cabdikariin Cumar oo ka tirsanaa Madaxtooyada Puntland ayaa kamid ah labada qof ee ku dhintay shilkaas. Dhimashada iyo dhaawaca ayaa la geeyay isbitaalka weyn ee Garoowe halkaas oo lagu dabiibayo dhaawacyada. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta: Shil ka dhacay magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites