Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Durraan oo ku laabtay Muqdisho, eedeyna u jeediyay Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Muuqaal: Shirka jaraa’id ee wasiir Durraan

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Durraan Axmed Faarax oo maalmahan ku sugnaa Garoowe ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.

Wasiir Durraan oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay doorashada kursiga Hop-166 ee laga soo doorto degmada Galdogob ee Gobolka Mudug, wuxuuna tilmaamay in kursigaas loo maamulay si ka baxsan habraacyadii doorashada ee lagu heshiiyay islamarkaana aan xulista ergadiisa wax door ah laga siin nabaddoonada beesha leh kursiga.

Wasiir Durraan ayaa ku eedeeyay Guddiga Doorashooyinka heer Puntland kuwo aan madax bannaanayn oo laga maamulo madaxtooyada Puntland.

PUNTLAND POST

The post Wasiir Durraan oo ku laabtay Muqdisho, eedeyna u jeediyay Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this