Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland Iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ugu maqnaa dalka Ethiopia, ayaa  maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo oo marti-qaad rasmi ah ka helay ra’isal wasaaraha Ethiopia, ayaa kasoo degay gegida diyaaraduhu ka haadaan ee Cigaal International Airport, waxana halkaas kusoo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, salaadiin, siyaasiyiin iyo xubno xukuumadda katirsan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this