Sign in to follow this  
Deeq A.

Garyaqaan Guuleed Dafac Ayaa Si Adag Uga Hadlay Dhacdooyin Maalmihii U Dambeeyay Ka Dhacay Gudaha Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa si adag uga hadlay dhacdooyin maalmihii u dambeeyay ka dhacay gudaha Somaliland kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayay wariyeyaal, qoraayo iyo dad shacab ah oo baraha bulshada.

Dadkan la bartilmaameedsanayay ayaa waxa ay waajahayeen xadhig iyo hanjabaado kala duwan oo uga imanayay laamaha amniga Somaliland.

Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku yidhi sida tan:

Dhaqamada gudaha ka socda ayaa khatar ku ah guulaha arimaha debedda.

Iyada oo London ilaa Addis Ababa ay ka socdaan warar wanaagsan, ayaa Ceergaabo ilaa Hargeysa waxa ka soo baxaya warar ah weriye abaar ka hadlay oo la xidhay iyo buug la qabtay. Adduunka warkaasi waa gaadhayaa. Weji gabax ayay ku tahay dadka inala shaqaynaya ee doonaya inay ina amaanaan oo ay ka mid yihiin xildhibaanadii xalay inoo doodayay.

Waa maxay sababta ay hay’adaha amnigu ula jaan qaadi la’ yihiin siyaasadda arimaha debedda? Maxaa isku beega wararka wanaagsan ee debedda iyo dhiilada ay keento xadhigga sharci darada ah? Dalka miyaynaan meel isku mid ah u wadin?”

Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI ayaa dhawaan isaga si adag uga hadlay dhacdooyinkan iskugu jira cago-juglayn iyo xadhiga oo toddobaadyadii la soo dhaafay lagula kacay haldoorka bulshada reer Somaliland oo ay ka mid yihiin Abwaanno, jilayaal, qoraayo, weriyayaal, siyaasiyiin.

waxaanu yidhi Murrashax Cirro sida tan:

“Xukuummadda Madaxweynaha xilkiisu dhammaanayo ee Muuse Biixi, waxa ay caado & dhaqan ka dhigatay cabudhin, cago-juglayn iyo cadaadis joogta ah, oo ay u geysanayso dhammaan muwaadiniinta heer kasta oo ay yihiin. Abwaanno, jilayaal, qoraayo, weriyayaal, macalimiin, madax-dhaqameed, siyaasiyiin iyo haldoorka kale ba in la cabudhiyo, la xidho, la argagixiyo, xuquuqaadkooda lagu tunto; mushaaharaadkii ay xaqa u lahayeen laga goosto iyo in shaqooyinka laga caydhsho.

Soomaalidu waxa ay lee yihiin murti tidhaahda, “Islaantii indho-la’aan ma ku ogayd, dad cunnimana ku darsatay”. Xukuummadda Muuse, waxa ay bilowday xaajo ugub ah, oo dimuuqraadiyadda iyo xorriyatul qawlkaba ku ah gef weyn; waa in Guddoomiye Xisbi Mucaarad looga yeedho Xarunta Dambi-baadhista(CID), iyada oo looga gol lee yahay in la is hortaago baraarugga bulshada iyo doonista shacabka, ee is beddelka, oo is gaadhay dhammaan Gobollada Dalka.

Isku daygaas Xukummadda Muuse ku beegsanayso Xisbiyada Mucaaraadka, waxa ugu dambeeyey isku daygii ka dhacay magaalada Burco, ee Xarunta Gobolka Togdheer. Isku day lagu doonayey in laga hor istaago Hoggaanka Xisbiga WADDANI iyo anniga oo ah Murashax Madaxweybe in ay la kulmaan bulshada magaalada Burco, ee is beddelka u oomman. Waa ayaan darro weyn in Muuse baabi’yey karaamadii iyo haybaddii hay’adaha Dowladnimada iyo laamihii ammaanka, oo uu ka dhigay kuwo lagu beegsado shacabka qeybihiisa kala duwan, Xildhibaannada, Siyaasiyiinta iyo Xisbiyada Mucaaraadka ah hoggaankooda.

Muuse waa uu ogyahay in uu ku ololeeyey sarreynta sharciga, waana og yahay in sharci darrada iyo ka tallaabista xayndaabka dawladnimada ay horseed u noqon karto fowdo iyo amni darro Somaliland aanay maanta u baahnayn, Muusow’ Ciidamadu waa kuwa amnigeenna suga, waa kuwa cadowga innaga ilaaliya, ha siyaasadeyn Ciidanka.

Somaliland ha waarto.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this