Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
20220118_183123.jpg?resize=720%2C608&ssl

Qarax ismiidaamin ah ayaa goordhaweyd ka dhacay maqaayad ku taalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa, balse warar hordhac ah waxay sheegayaan in ay ku dhinteen ilaa 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 kale.

Maqaayadda qaraxu ka dhacay ayaa in yar u jirtay xero ciidamada dowladda lagu tababaro, waxaana inta badan fariisan jiray ciidamada xeradaas ku jira.

Gaadiidka gurmadka degdega ah iyo ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta qaraxu ka dhacay, waxaana socda gurmad loo sameynayo dhibanayaasha.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay qaraxyo ismiidaamin ah oo mid ka mid ah lala eegtay afhayeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimow oo dhaawac ka soo gaaray.

PUNTLAND POST

The post Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this