Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo asteysay doorashada guddoonka degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16425318122063062.jpg?resize=600%

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa asteysay doorashada guddoonka degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in goleyaasha saddexda demo Qarsho, Eyl iyo Ufeyn ee la doortay 25 October 2021 la fariisin doono 27 January 2022, isla markaana la dooran doono guddoomiyeyaasha iyo ku xigeennadooda.

“Waxay ku wargelinaysaa guddoomiyaasha gobolada Nugaal, Bari iyo Karkaar iyo dhammaan xubnihii 25kii October 2021 loo doortay goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Ufeyn, Qardho iyo Eyl in wasaaraddu u asteysay fariisinta goleyaasha 3-da degmo iyo qabashada doorashada guddoomiyaasha degmooyinka 27 January 2022, saacaddu markay tahay 8:00am ama labo saac oo subaxnimo” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Urur siyaasadeedka Kaah, oo uu Madaxweyne Deni hoggaamiyo ayaa doorashadii dowladaha hoose ee saddexda degmo helin codad ka badan wadarta codadka Mideeye iyo ururka Cadaaladda iyo Sinnaanta, oo doorashadii kaddib, samaystay isbahaysi.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo asteysay doorashada guddoonka degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this