Sign in to follow this  
Deeq A.

“Haddii Cid Hadal Lagu Xidhayo Muuse Biixi Jeelka Kama Uu Baxeen-ba….” Cabdiqaadir Jirde

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha uu muddo xilleedkiisii sii dhammaanayo ahna Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa Xukuumadda uu hoggaamiyo afartii sanno ee ay xilka haysay lagu eedeeyaa inay tahay Xukuumad ku tilmaaman xadhiga siyaasiyiinta, Mujaahidiinta iyo muwaadiniinta kale in ay caadaysatay, isla markaana cabudhinta xorriyadda haddalka ay ku caan-baxday.

Haddaba Cabdiqaadir Jirde ayaa sheegay in haddii cid haddal laggu xidhayo in aanu xabsiga ka baxeen Madaxweynaha uu muddo xilleedkiisii sii dhammaanayo ee Muuse Biixi ,waxaanu ayaan darro ku tilmaamay in maanta uu Muuse Biixi cid haddal ku xidhayo.

Cabdiqaadir Jirde oo ayaa haddaladsii waxa kamid ahaa kuwan:-“Dawladdii Cabdiraxmaan Tuur rag Muuse ku xidhannaa ayaa intay calankeenii wakhtigaa ay la soo deggeen ayey gubeen ,cid ka daba tagtay oo tidhi yaa soo diray ma jirto,laggama baqanayn lakiin danta Somaliland ayaa loo arkayey wakhtigaas in aan cid-na la dabagelin cid-na la soo xidhin,maantana waxaynu marraynaa hebel ayaa haddal yidhee ha la xidho .”

Isagoo intaas ku darray “Muuse ha oggaado haddii haddal cid laggu xidhayo maalin horena waan idhi xabsiga kama uu baxeen,laakiin’se isagana laggama baqayn reerkiisana laggama baqayn ee waxay ahayd uun waar curdin ayeynu nahee yaynaa murran bilaabin.”ayuu yidhi Jirde

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this