Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya Oo La Hadashay UK, Xilli Laga Cabsi Qabo Inay Aqoonsato Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta khadka telefoonka wada-hadal kula yeeshay Wasiirka arrimaha Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska, Vicky Ford.

Labada Wasiir ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga ku dhisan wax wada qabsiga, ixtiraamka midnimada iyo madax-banaanida Qaran-nimo ee labada dal, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxay wada-hadalkooda diiradda ku saareen kor u qaadidda xidhiidhka laba geesoodka ah ee labada dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha gobolka Geeska Afrika.

Sida ay ay baahiyeen warbaahinta maxaliga ee magaalada Muqdisho oo ay Somalilandtoday soo xigatay, wada-hadalkan deg deg ah ee Cabdisaciid iyo Vicky Ford ayaa yimid kadib markii xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka UK ay markale bilaabeen olole ictiraaf loogu raadinayo Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this