Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Ingiriiska oo ka wada-hadlay ixtiraamka Qaranimada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska (UK), Marwo Vicky Ford, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ku dhisan wax wada qabsiga, ixtiraamka midnimada iyo madax-baannaanida Qarannimo ee Labad Dal.

Labada Wasiir ayaa wada hadalkooda diiradda ku saaray kor u qaadidda xiriirka labo geesoodka ah ee Labada Dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika, isaga oo Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali uga mahad celiyey dowladda Ingiriiska taageerada ay u fidiso dowladda Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya iyo Ingiriiska oo ka wada-hadlay ixtiraamka Qaranimada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this