Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Barkhad oo ka jawaabay Su’aal uu sheegay in Maalmahan danbe weydiinteeda lagu badiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Barkhad oo ka jawaabay Su’aal uu sheegay in Maalmahan danbe weydiinteeda lagu badiyey

barkhad-1.jpg
Muddo hadda ay maalmo koobani ka soo wareegeen waxa aad igu badan su’aal ah: Ma duudduub ayaad ku ansxiseen miisaniyaddii Qaranka?
Bulshada sharafta badan ee codkooda na siiyay, cadceeddana noo taagnaa waa in aan arrintaas u caddeeyaa, maadaama aan hore ugu ballanqaadnay inaan ugu adeegi doonno sinnaan iyo caddaalad. Haddaba aniga oo arrintaas bayaaminaya waxa aan u sheegayaa in aanay jirin Miisaaniyad duudduub lagu ansixiyey, waana markii koowaad ee inta ogaalkay ah oddoros miisaaniyadeed oo Wasaaradda Maaliyaddu soo sameysay kaabis iyo wax-ka-beddel ballaadhan lagu sameeyyey. Waxa Guddoomiyaha goluhu muddo 20 cisho ah u xilsaaray guddida Maaliyadda ee golaha in ay waajibkooda qaran ka qabsadaan, golahana horkeenaan. Waxa golawaynuhuna la qaatay shirguddoonka in guddida dhaqaaluhu muddadaas ku soo eegaan kuna soo celinaya golaha. Muddadi la siiyay oo labada galin ba ay shaqeynayeeen guddidu ka dib waxa ay horkeeneen kana hor akhriyeen warbixinta golaweynaha, waxaana warbixinta laga dhageystay Guddoomiyaha guddida dhaqaalaha Golaha.
Meelaha Golawaynuhu wax-ka-beddelka ku sameeyey waxa ka mid ah meelahan:
Qoondo lacageed oo dhan 59,209,082,446 SLSH oo u dhiganta 8,458,440 Dollar ayaa aanu ka soo leexinnay goobihii ay xukuumadda iyo wasaaradda maaliyaddu u qorshaysay oo aan u arkaynay in aanay mudnayn, waxaana aan usoo leexinnay goobo aan u arkaynay in ay mudanyihiin kuwaas oo kala ah:
1- Kordhinta mushaharka ciidanka Qaranka.
2- Kaalmada xarunta agoomaha Hargeysa.
3- Kaalmadda xarunta ubadka baahiyaha gaarka ah qaba.
4- Kaalmadda ururka naafadda.
5- Kaalmadda ururka agoomaha.
6- Kaalmada guddida wanaag farista iyo xumaan reebista
7- Kaalmadda kirooyinka Ururka Adam ee dadka laga tirada badan yahay.
8– Mashruuca biyagalinta Ceerigaabo.
9- Mashruuca keydka biyaha Burco.
10- Tacliinta Sare.
11- Musharka macalimiinta ku meelgaadhka ah ee Wasaaradda Waxbarashada.
12- Mushaharka shaqaalaha ku meelgaadhka ah ee wasaaradda caafimaadka.
13- Dhismaha cisbitaalka TB da Boorama.
14- Dhismaha jidka Baki.
15- Kharashka Doorashooyinka.
Shakhsiyan, waxa aan Golawaynaha ku joogaa ilaalinta sharciga iyo sharafta qaranka, muddo dheerna waxa aan olole ugu jiray in ciidanka, dadka naafadda ah, iyo kuwa sare lagu xusay oo dhammi helaan xuquuqda dhaqaale ee miisaaniyadda, tiina waan ku guuleysannay. Waxa aan u dhaartay maaha xaafad iyo xisbi e waa danta dalka, diinta iyo dadka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this