Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Safiirka Sacuudiga ee Somalia oo waraaqaha aqoonsi laga guddoomay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa Maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Boqortooyada Sucuudigu u soo magacawday Soomaaliya Mudane Axmed Bin Maxamed Almowallad.

Danjiraha cusub ee Dowladda Sucuudiga  Axmed Bin Maxamed ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda la wadaagay dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka diblomaasiyadeed iyo wax-wada-qabsiga ka dhexeeya Labada Dowladood iyo Labada shacab ee saaxiibbada ah, isaga oo ka mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee loo sameeyey.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay sidii ay Soomaaliya iyo Sucuudigu u xoojin lahaayeen xiriirkooda soojireenka ah iyo iskaashiga Labad Dowladood ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, arrimaha bulshada iyo siyaasadda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa Danjiraha Cusub ee Boqortooyada Sucuudiga ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, wuxuu na u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaageyso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

Somalia-Saudi-Arabia-Soomaaliya-Sacuudi. 272017025_303381805163606_70001897845220 272022382_303381955163591_64731890983428 272022281_303382025163584_10726832087723 Safiirka-Sacuudiga-Axmed-Bin-Maxamed-Alm 272045570_303382338496886_32764253971407 272048747_303382445163542_27656148193866 272044754_303382508496869_86025323232781 272014336_303382595163527_59251666221800 272028551_303382651830188_34917579568245

The post Sawirro: Safiirka Sacuudiga ee Somalia oo waraaqaha aqoonsi laga guddoomay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this