Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weeraro lagu qaaday dalka Imaaraadka

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarkii shalay lagu qaaday magaalada Abu-dhabi ee waddanka Imaaraatiga Carbeed.

Weerarkaas ayaa sida la sheegay waxa fuliyay kooxda Xuutiyiinta Yemen oo Drones qaraxyo ka buuxaan ku weeraray magaalada Abu-dhabi kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku cambaareeyay weerarkaas oo uu ku tilmaamay mid argagixiso.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka argagaxiso ee lagu qaaday magaalada Abu Dhabi” ayuu yiri Wasiir Cabdisaciid.

Sidoo kale wuxu tacsi u diray Qoysaska dadkii ku dhintay weerarka “waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dadkii ku dhintay iyo qoysaskooda”

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weeraro lagu qaaday dalka Imaaraadka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this