Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay tahay arrinta muranka dhalisay ee loo haysto Cabdi Xaashi iyo wiilkiisa? + Video

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxgaradka mid ka mid ah beelaha dega gobollada waqooyi ee Somaliland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo wiilkiisa waxay ku eedeeyeen inay boobayaan kursi ay ku lahaayeen golaha shacabka.

Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka beeshaas ayaa sheegay in afar cisho ka hor ay u tageen Cabdi Xaashi oo xilligaas uu la joogay Senator Cabdi Ismaaciil Samatar, balse hadal qanciya ay ka waayeen, kadib markii ay ka codsadeen in kuraastooda uu faro-gelinta ka daayo.

Waxgaradkii ka hadlay boobkaas ay sheegeen in beeshooda lagu hayo ayaa ra’iisul wasaare Rooble ka codsaday in cadaaladii uu balan qaaday ay maanta uga baahan yihiin.

Sidoo kale midowga musharaxiinta iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed ayey cod dheer ugu sheegeen in boobkii doorashada uu sidiisii yahay, iyagoo codsaday in laga qabto xubnahaan ay sheegeen inay boobayaan kuraastii ay ku lahaayeen baarlamaanka.

Hoos ka daawo

The post Maxay tahay arrinta muranka dhalisay ee loo haysto Cabdi Xaashi iyo wiilkiisa? + Video appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this