Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay soo saartay Maxkamadda sare ee dastuuriga ahi? maxaa se laga dalbaday?…Ex-xildhibaan Maxamed Saalax

Recommended Posts

Deeq A.   
Maxay soo saartay Maxkamadda sare ee dastuuriga ahi? maxaa se laga dalbaday?
maxay ahad ddoodda xisbiyada mucaaridku?
maxay ahayd doodda xisbiga muxaafidku? waa suaalaha u baahan in lala eego xukunka Maxkamadda Sare iyo waxa uu ka yidhi.
saalax.jpg
ugu horrayn maxkamda sare waxay soo saartay qaraarka summaddiisu tahayMSD /DDL /01 /2022 ee ku taariikhaysan 16.01.2022. taas oo ay dacwoodayaal ka ahaayeen 24 muwaadiniin oo siyaasiyiin ahi ,nuxurka dacwadooduna waxay ahayd dhaqan gelinta Xeer lr.14 /11 iyo furista urur siyaasadeed. hadaba Maxkamaddu waxay soo saartay
1. waxay aqbashay dacwaddii muwaadiniinta ee ku saabsanayd dhaqan gelinta xeer lr /14 2011.
2. waxaa dhaqan gal ah xeer lr 14 /2011 oo qodobkiisa 6aad faqradiisa 5aad ay sheegayso in tobankii sannadoodba mar la abuuri karo urur siyaasadeed si waafaqsan xeerka.
3. waxay laashay in doorashada xisbiyada /ururada siyaasadeed lagu dabro doorashada golayaasha deegaanka,waxaanay noqonaysaa doorashada xisbiyada /ururada siyaasaddu mid toos ah oo ay qabato gudiga doorashooyinka qaranku.
4. kala reebidda xisbiyada /ururada siyaasadda waxaa loo raacayaa sida uu dhigayo Qodobka 6aad ee waxka bedelka iyo kaabista e xeer lr14 /11 kuna salaysan doorasho toos ah oo aan ku dabranayn doorashada golayaasha deegaanka.
5. waxay goaamisay in la dhammaystiro dhammaan tallaabooyinka la xidhiidha diiwaan gelinta ururada cusub ee ka qayb gelaya doorashada si waafaqsan xeer lr /14 /2011.
6.waxaa la farayaa dhammaan dhinacyada ay khusayso in ay u hogaansamaan dastuurka JSL, xeerarka dalka iyo xeerarka dalka iyo xeerarka doorashooyinkaba.
haddaba si aan ummadda lo jaah wareerin xukunka maxkamdu wuxuu daaran yahay
in ururada la furayo tobankii sanadoodba mar
in doorashada ururrada iyo xisbiyada lagu galo doorasho toos ah.
in la dhammaystiro talaabooyinka arintaas la xidhiidha ee diiwaan gelinta ururada cusub ee ka qayb gelaya doorashada tooska ah.
in dhamaan hanaanka loo raacayo aritaasna uu dhigayo xeerka nidaamka ururada iyo axsaabta qaranka Xr lr. /14 /11.
in waxka bedelka iy kaabista lagu samaynayo doorashada tooska ah ay awoodeeda leeyihiin golaha wakiiladu.
hadaba hadii xukunka maxkamddu kaas yahay xeerkiina tilmaamayo cimriga ururadu in ay toban sanno yihiin halkee bay ka imanaysaa doodda ah ururadu way furan yihiin ? sow hadal siyaasad uun loogu talo galay maaha iyo borobogaando warbaahinta la geliyey.
waxaan ku soo gunaanadayaa
ma jirto lagamana akhrisan karo goaanka Maxkamda in waqtigan ururo siyaasadeed furan yihiin,cida ku dhawaaqaysaana waa cid sharciga gacanteed ku fulisay.
in muddada furitaanka ururadu ay yihiin marka la gaadho bisha 12 ee sanadkan
in waxa ka horeeyaa ay yihiin oo keliya in ururada siyaasadee is diiwaan geliyaan si waafaqsan xeerka nidaamka ururada iyo axsabta
cidda keliya ee maanta liisan u haysata doorashada madaxtooyadana waa sadexda xisbi ee jira maanta. cid kale oo sharci u ogol yahay in ay doorashadaa ka qayb qaadataa xeerku ma bannaynayo.
wa billaahi tawfiiq.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this