Sign in to follow this  
Deeq A.

Jeneraal XUUD oo GO’AAN lama filaan ah ku dhowaaqay

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – General Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo si weyn uga soo horjeedo HirShabelle ayaa ku dhowaaqay inuu haatan diyaar u yahay inuu wada-hadal rasmi ah la galo maamulkaasi iyo sidoo kale dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xuud oo ay hareero taagnaayeen taliyaha ciidamada Dhulka Gneraal Maxamed Tahliil Biixi iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya xaqa ka maqan reer Hiiraan ay ku raadinayaan qaab wada-hadal ah

“Dadow ha’isku sirmina ogaada in la dagaali karo, lana heshiin karo,” ayuu yiri Generaal Xuud.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray  “Cid walbaa og waxa naga maqan in la helo isaga ayey dan ugu jirtaa, annagay noogu jirtaa, Soomaali ayey ugu jirtaa, insha allah xaqaas waan keeneynaa,”.

Dhankiisa taliyaha ciidamada Dhulka oo ka hadlay shirkan jaraa’id ayaa soo dhoweeyey go’aanka uu qaatay Xuud, si loo soo afjaro xiisadda bilihii lasoo dhaafay ka jirtay halkaasi.

Generaal Biixi oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaaday inuu Beledweyne u tegey sidii xal loogu helaa tabashada ay HirShabelle ka qabaan qaar ka mid ah bulshada reer Hiiraan.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan HirShabelle ay guda-galeyso doorashada Golaha Shacabka oo kuraas ka mid ah lagu qabanayo magaalada Beledweyne.

Si kastaba, xiisaddan ayaa sababtay in Beledweyne laga hor istaago madaxweyne Cali Guudlaawe oo aan weli booqan magaaladaasi, tan iyo markii loo doortay HirShabelle.

The post Jeneraal XUUD oo GO’AAN lama filaan ah ku dhowaaqay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this