Sign in to follow this  
Deeq A.

KULMIYE Oo Caddeeyay Mawqif Kiisa Ku Aadan Go’aanka Maxkamada Sare Ee Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE wasiir Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in xisbiga KULMIYE uu si buuxda u aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee Somaliland, kasoo saartay xeerka furista ururrada siyaasadda ee muranka dhaliyay.

Wasiir Kaahin oo waraysi siiyay idaacada BBC-da, ayaa sheegay in ay markii horena kalsooni ku qabeen maxkamadda imikana ay si buuxda u aqbalayaan.

“Maxamadu qaraarka ay soo saartay xisbiga KULMIYE wuu taageerayaa, marka horena kalsooni ayuu kaga dhur sugayay, sidaa darteed wuu ku qasbanyahay in uu teegeero waa hay’adi qaanuuniga ahayd ee dalka, haddii aanu diidno sharciga qaranka dibadda ayaanu ka ahaa nayna” ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Wasiirka oo la waydiiyay haddii xukunka maxkamadu ka farxiyay xisbigiisa iyo hadii go’aanka maxkamadu uu ka horyimiid rabitaanka xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay in go’aanka maxkamadu aanu la xidhiidhin rabitaan cid gaar ah.

“Ninkii ina sanwayne la odhan jiray ayaa waxaa laga xigtay, gari walaal ma taqaano, sida darteed maxkamadda waxa loo dhiibo wixii aad adigu doonaysay iyo wixii aad diidaysay midna kuma xidhnee, waxay ku xidhantahay qaraarka maxkamadda” ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Waxa uu sheegay in doorasho walba wakhtigeeda ku qabsoomayso, oo ay diyaar u yihiin in doorashada madaxyooyaduna wakhtigeeda ku dhacdo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this