Sign in to follow this  
Deeq A.

Weeraro Xalay Ka Dhacay Magaalooyinka Muqdisho Iyo Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Weeraro loo adeegsaday bambka gacanta laga tuuro ayaa xalay waxa ay ka dhaceen magaalada Muqdisho iyo magaalada Boosaaso.

Salaada Cisho kadib ayaa bam lagu weeraray bar koontarool oo ku taalla isgoyska Xararyaale ee degmada Warta Nabadda.

Hal qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday qaraxan halka laba kalana ay ku dhaawacmeen weerarka loo adeegsaday bamka ee ka dhacay isgoyska Xararyaale.

Dhinaca kale wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in laba qarax ay xalay ka dhaceen magaalada Boosaaso oo dhawaan ay ku dagaalameen ciidamo taabacsan Madaxweyne Deni iyo Ciidammada PSFta.

Labada weerar oo waqti badan ayna u dhaxeyn ayaa waxaa ku dhaawacmay hal qof iyadoo mid kamid ah bamkana lala beegsaday bar koontarool halka qaraxa kalana uu ka dhacay goob ganacsi.

Ma jiro cid sheegatay qaraxyada bambaanooyinka loo adeegsaday ee xalay ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this