Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Ingiriiska Oo Maalinta Berri Ah Ka Doodaya Aqoonsiga Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Baarlamaanka UK ayaa salaasada beri ah lagu wadaa in dhegaysto dood ku saabsan madaxbanaannida Somaliland oo uu usoo gudbin doono xildhibaan Gavin Williamson oo laga soo doorto Koonfurta Staffordshire

Doodda oo ah mid uu mudanaha ku soo gebagabeyn doono fadhiga maalintaa ayaan la fileyn in wax go’aan ah uu ka gaadho baarlaamka.

Ma aha markii ugu horreysay ee baarlamaanka UK uu dhegaysto dood ku aaddan aqoonsiga Somaliland.

Bishii December 2019, 11 xildhibaan oo u badan xisbiga Labour-ka ayaa gudbiyay mooshin ah in baarlamaanka UK uu aqoonsado Somaliland, maadaama ay ahayd “maxmiyad ay Britain xukumi jirtay”.

Sidoo kale, golaha deegaanka ee magaalooyinka Cardiff, Sheffield iyo Birmingham ayaa hore u shaaciyay inay aqoosan yihiin madax bannaanida Somaliland.

Waa kuma xildhibaan Gavin Williamson?

Gavin ayaa 25-kii June 1976 ku dhashay magaalada dalxiiska caanka ku ah ee Scarborough ee ku taalla Waqooyiga England.

Waxa uu siyaasadda ku biiray sannadkii 2001 xilligaas oo loo doortay golaha deegaankiisa. Sannadkii 2010 ayuu markii ugu horreysay ku guulaystay inuu baarlamaanka UK ku matalo Koonfurta Staffordshire.

Dhammaadkii sanadkii 2017 ayaa waxaa loo magacaabay xoghayaha difaaca ee UK, kadibna waa uu July 2019 noqday xoghayah waxbarashada.

Waa mudane ka tirsan xisbiga tallada haya ee Conservative, waxaana uu hadda kamid yahay xildhibaannada ugu magaca dheer.

Si weyn waxa uu u taageera qadiyadda gooni isu taaggan Somaliland, sida ku cad bartiisa Twitter.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this