Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Barlamaanka Uk ka hor-jeedin doona Dood ku saabsan qadiyada Aqoonsiga Somaliland+Taariikhda Xildhibaanka oo kooban

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Barlamaanka Uk ka hor-jeedin doona Dood ku saabsan qadiyada Aqoonsiga Somaliland

 

Baarlamaanka Ingiriiska Ayaa 18 bishan Dood ka yeelan doona ‘Aqoonsiga Somaliland’. Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka ayaa dooddan la xidhiidha Aqoonsiga Somaliland ka horjeedin doona Baarlamaanka UK.

uk.jpg

Gavin Williamson ayaa horey usoo noqday Wasiirka Difaaca UK, isagoo wakhtigii uu Wasiirka ahaa socdaal ku yimid Somaliland.

calanka-labada-dal.jpg

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland ayaa soo dhaweysay arrintan, iyadoo sheegtay in ay la socoto doodda ku saabsan qadiyadda Somaliland ee Baarlamaanka UK ka dhici doonta.

 

Arinta Ay baarlamaanka dalka ingiriisku kaga doodayaan aqoonsiga somaliland ayaa imanaysa xili ay indhaha beesha caalamku siwayn ugu soo jeedaan kadib markii dhawaan Somaliland safar uu ku yimid wafti ka socda dalka maraykanka iyadoo maraykanka mudooyinka danbe siwayn udanaynayo xidhiidhka uu layeelanayo Somaliland iyo muhiimada ay uleedahay bogcada ay ku taalo juquraafi ahaan taasi oo ay dabada ka riixayso tartanka qaarada Africa ee dawlada shiinaha iyo wadamada reer galbeedku.

Waa kuma xildhibaan Gavin Williamson?

Gavin ayaa 25-kii June 1976 ku dhashay magaalada dalxiiska caanka ku ah ee Scarborough ee ku taalla Waqooyiga England.

Waxa uu siyaasadda ku biiray sanadkii 2001 xilligaas oo loo doortay golaha deegaankiisa. Sanadkii 2010 ayuu markii ugu horreysay ku guulaystay inuu baarlamaanka UK ku matalo Koonfurta Staffordshire.

Dhammaadkii sanadkii 2017 ayaa waxaa loo magacaabay xoghayaha difaaca ee UK, kadibna waa uu July 2019 noqday xoghayah waxbarashada.

Gavin Williamson
Gavin Williamson

Waa mudane ka tirsan xisbiga talada haya ee Conservative, waxaana uu hadda kamid yahay xildhibaannada ugu magaca dheer.Si weyn waxa uu u taageera qadiyadda gooni isu taaggan Somaliland, sida ku cad bartiisa Twitter.

It was a real honour to join Dr Edna Adan and Dr Essa Kayd to talk about UK’s relationship with Somaliland and how we need to recognise Somaliland independence. #somaliland

— Gavin Williamson (@GavinWilliamson) November 25, 2021

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this