Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo lagu eedeeyey boobka kursi xildhibaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Suldaanka beesha Habar-Cafaan oo ka mid ah beelaha Dir-Waqooyi, Suldaan Abiib Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ku eedeeyey inuu boobayo kursiga Hop215 oo ka mid ah kuraasta beeshiisa ee golaha shacabka.

Suldaanka ayaa sheegay in laga been abuurtay oo magaciisa lagu saxiixay kursigaas, markii dambana ay ogaadeen in Ra’iisul Wasaare Rooble uu yahay go’aamiyaha kursigooda.

Sidoo kale Suldaanka ayaa sheegay in ilaa dowladii lagu soo dhisay Carta uu saxiixa beesha soo ahaa, balse hadda go’aan laga gaaray mid ka mid ah kursta baarlamaanka ee beeshiisa, iyadoo aan waxaba laga weydiin.

“Beesheenu seddax kursi ayey leedahay, mid ka mid ah waa la musuq maasuqay, mudo dheer ayaan ka daba wareegeynay kursigaas, laakiin kadib waxaa naloo sheegay in liiska cuqaasha uu soo qoray Ra’iisul wasaare Rooble, waa yaabee ma Suldaankii beeshaa?” ayuu yiri Suldaan Abiib Maxamuud.

Sidoo kale Suldaanka ayaa sheegay in guddiga doorashada markii ay wax ka qeydiiyeen arrintaan loo sheegay in ra’iisul wasaaruhu uu u soo gudbiyey liis uu ku jiro magaciisa Suldaan Abiib, waxuuna arrintaas ku tilmaamay dulmi laga gelaayo beeshiisa.

“Shalay ra’iisul wasaruhu waxuu lahaa doorasho haa, boob maya, isaga ayaa boobka nagu bilaabay, kursigeena si cad ayuu u yiri anigaa qaatay, masuuliyiintii iyo dadkii u tegay ayuu sidaas ku soo yiri,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Suldaan Abiib.

Suldaanka ayaa cadeeyey in kursiga Hop215 uu ka boobay Ra’iisul Wasaare Rooble, isagoo uga dacwooday dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka, “Dulmi, boob iyo dhac ayaa naloo geystay mana yeeleyno, kursigaas Rooble ma leh, cid xoog ku qaada kartana ma jirto,” ayuu yiri.

Suldaan Abiib ayaa sidoo kale sheegay in Ergada lagu qoray kursigaas ay ku jiraan xubno Itoobiyaan ah, “Ergo Xabashi ah ayaa lagu qoray iyo Mogadishu Clan suuqa laga soo aruuriyey, ma waxaasbaan yeeli karnaa, ninka loo qoray kusriga ma garaneyno cid uu yahay,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Suldaanka ayaa sheegay in boobkaas aysan ogolaa doonin oo meel kasta ay ka dacwey doonaan Ra’iisul wasaaraha, isagoo Rooble ugu baaqay in masiirka kursigooda Hop215 uu u soo celiyo.

Musharaxiinta kursigaas Hop215 waxaa ka mid ah Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo afartii sano ee lasoo dhaafay ka tirsanaa golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, Suldaan Abiib ma uusan xusin magaca shakhsiga uu sheegayo in ra’iisul wasaaruhu uu u dhacayo kursigooda.

Hoos ka daawo

The post Rooble oo lagu eedeeyey boobka kursi xildhibaan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this