Sign in to follow this  
Deeq A.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Oo Ku Dhaawacmay Qarax Ismiidaamin Ah Oo Lala Beegsaday Iyo Rooble Oo Ka Hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   

Qarax ka dhacay magaalada Muqdishu ayaa waxaa dhaawac halis ah uu ka soo gaadhay weriyihii hore ee BBC Maxamed Ibraahim Macallimuu, ahna afhayeenka xukuumadda Soomaaliya.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in qof ismiidaamiyay uu isku qarxiyay gaadhi uu watay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya.

Wakaaladda wararka ee SONNA ayaa sheegtay in qaraxa uu ka dhacay isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

SONNA ayaa sidoo kale sheegtay in dhawaaca Afhayeenka haatan lagu dabiibayo mid ka mid ah cisbitaalada magaalada Muqdisho.

Macallimuu ayaa dhowr jeer oo hore ka badbaaday dhaawacyo ka soo gaadhay qaraxyo iyo weerarro ay Al-Shabaab ka fuliyeen Muqdisho.

Dhan kale Ra’iisal wasaare Maxamed Xusseen Rooble, ayaa qoraal lagu baahiyay bogga xafiiskiisa waxa uu ku cambaareeyay qaraxii lala beegtay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Ra’iisal wasaaraha ayaa afhayeenka u rajeeyay caafimaad deg deg ah, isla qoraalkaas ayaa lagu sheegay in xaaladda afhayeenka ay haatan wanaagsantahay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this