Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasi u tartamaayay doorashadii golaha wakiilada oo helay 163 Cod oo maanta ku dhawaaqay urur cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasi Maxamuud Saleebaan Cali (Ramaax)  oo u tartamaayay doorashadii golaha wakiilada ee dhawaan ka qabsoontay Somaliland, ayaa ku guuldaraystay in uu soo baxo waxana uu ahaa musharaxii dalka oo dhan ugu hooseeyay isaga oo helay 163 cod oo qudhaata.

Siyaasi Ramaax ayaa ka tartamaayay gobolka Togdheer oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, sidoo kale waxa uu ka soo noqday badhisaabka gobolka Togdheer xiliyo kala duwan.

Hadaba tan iyo intii uu Ramaax ku guul daraystay in uu ka mid noqdo golaha wakiilada ee Somaliland ayaa maanta uu daboolka ka qaaday in uu furaayo urur uu ugu yeedhay SPP. ( Somaliland People Party).

Waxa jira siyaasiyiin kale oo aan waligood Somaliland aan waxba u soo qaban oo aan aaminsanaynba gooni isu taaga oo ku hadaaqaaya ururo ayaanu furanaynaa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this