Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaraxyo ka dhacay magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahin ayaa ka soo baxay qarax momba-gacmeed ah oo saacad ka hor lagu tuuray iridda laga galo shirkadda Muwaafaq oo ku taalla bartamaha Boosaaso.

Saraakiisha Laamaha Amniga Boosaaso ayaa u sheegay Puntland Post in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay Qaraxaas.

Saraakiisha ayaa sidoo kale tilmaamay in aysan weli jirin cid loo qabtay Qaraxa balse ay hayaan raadad la xiriira islamarkaana baaritaan ku samaynayaan.

Sidoo kale hal ruux ayaa ku dhaawacmay bomba-gacmeed fiidnimadii Caawa lagu tuuray iridda laga galo xarunta shirkadda Al-najax ee magaalada Boosaaso.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda labadaas qarax inkastoo kooxaha Al-shabaab iyo Daacish horay u sheegan jireen Qaraxyada ka dhaca Boosaaso.

PUNTLAND POST

The post Qaraxyo ka dhacay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this