Sign in to follow this  
Deeq A.

Ninkii lagu rakibay Wadnaha Doofaarka oo Kiis weyn lagu helay.lana shaaciyey inaanu istaahilin ila badbaadiyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ninkii loo geliyay Wadnaha Doofaarka oo Kiis weyn lagu helay

Surgeon Bartley P Griffith with David Bennett in January
David Bennett

Ninkii noqday qofkii ugu horreeyay adduunka ee lagu rakibo wadne doofaar ayaa la sheegay in hadda kahor uu toddoba jeer toorrey geliyay nin, kaas oo curyaan noqday.

David Bennett, oo 57 jir ah, ayaa sanadkii 1988 lagu eedeeyay inuu meel lagu caweeyo ku tooryeeyay Edward Shumaker, sida ay dhibbanaha walaashiis u sheegtay barnaamijka BBC’s Today.

Leslie Shumaker Downey ayaa sheegtay in walaalkeed uu geeriyooday sanadkii 2007 kaddib ku dhowaad 20 sano oo laga daweynayay dhibaatooyin ka soo gaaray weerarkaas.

Waxay sheegtay in Bennett uusan u qalmin in la badbaadiyo.

Weerarka ayaa dhacay bishii April 1988 markii xaaska Bennett ay ku fadhiisatay dhabta Shumaker, oo 22 jir ahaa, sida ay sheegtay Downey.

Maseyr uu arrintaas ka qaaday, ayuu Bennett dhowr jeer toorrey dhabarka ka geliyay Shumaker.

Bennett ayaa lagu helay dembigaas waxaana lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah.

Downey ayaa sheegtay in cidna aysan u sheegin in Bennett loo gelinayo wadne doofaar, keliyana ay ka maqashay gabadheeda oo farriin u soo dirtay.

“Gabadheyda ayaa ii soo dirtay farriin deg deg ah oo i tiri: ‘Hooyo, kan waa ninkii toorreyda geliyay abti Ed.’ kaddibna waxaan akhriyay warka waana xanaaqay sababtoo ah wadne ayaa lagu tallaalay,” ayay tiri.

surgeons performing the surgery
Qalliinka, oo laga sameeyay Baltimore, Maryland, ayaa qaatay in ka badan toddoba saacadood

Bennett ayaa haatan soo kabanaya kaddib qalliinka tijaabada ah oo qaatay toddoba saacadood kaas oo laga sameeyay magaalada Baltimore.

Tijaabadan wadnaha doofaarka loogu gelinayo ayaa ahayd rajada kama dmabeysta ah ee lagu badbaadinayo nolosha Bennett, inkastoo aysan weli caddeyn inta uu sii noolaan karo.

Balse Downey ayaa sheegtay inaysan aaminsaneyn in ninkan uu u qalmo wadnaha.

“Waxay Bennett ku sheegayaan wararka, iyagoo ka dhigaya geesi iyo qof lagu daydo balse intaasba maaha,” ayay tiri.

“Waxaan u maleynayaa in dhaqaatiirta sameeyay qalliinka ay mudan yihiin ammaanta dhan, ee maaha Bennett.”

Shumaker ayaa ku uruuray gaariga dadka curyaanka ah sababo la xiriira weerarkaas, kahor inta uusan dhiig madaxa uga furmin sanadkii 2005, labo sano kaddibna wuu dhintay.

“Walaalkey wuxuu dhibbanaa 19 sano sababtaas darteed ayay qoyskeyga oo dhanna u dhibtoodeen,” ayay tiri Downey.

Balse dhaqaatiirta Bennett ayaa sheegay in dembiyadii hore aysan bukaannada ka hor istaageyn in lagu sameeyo qalliinnada noocan oo kale ah.

“Waa waajibaadka saaran isbitaal walba ama xarun walba oo daryeel inay daryeel naf badbaadin ah siiyaan bukaan kasta oo albaabkood aka soo gala iyagoo ku saleynayay baahidiisa caafimaad.” Ayay yiraahdeen dhaqaatiirta Xarunta Caafimaadka ee Jaamacadda Maryland.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this