Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee ayey mucaaradka uga falceliyeen doorashadii ay ku kala jabeen ee shalay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta badan xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhaweeyey doorashadii guddoomiya cusub ee guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Geelle Yuusuf oo shalay ka dhacday Muqdisho

Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraallo ay soo kala saareen ku soo dhaweeyey doorashada guddoomiyaha cusub.

Ugu horeyn madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri, “Hambalyo guddoomiyaha cusub ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal Muuse Geelle Yuusuf. Alle ha u fududeeyo mas’uuliyadda loo doortay. Waxaan u rajeynayaa in uu guddiga ku hoggaamiyo hirgalinta doorasho hufan oo la isla oggolyahay. Dhammaan qeybaha bulshada waa in ay ku garab istaagaan xaqiijinta hadafkaas wayn.”

Sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa yiri, “Waxaan Hambalyo u dirayaa Guddoomiyaha cusub ee maanta loo doortay Guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT, Muuse Geelle Yuusuf. Waxaan rajeynayaa in Guddoomiyaha cusub si waafaqsan heshiisyadii doorashooyinka, iyo dastuurka Dalka uu dhex-dhaxaadnimo iyo xilkasnimo ugu guto howsha iyo mas’uuliyadda ummadeed ee maanta loo xilsaaray.”

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa isna qoraalkiisa ku yiri, “Waxaan Hambalyo u dirayaa Guddoomiyaha la doortay ee Guddiga doorashooyinka heer Federal Mudane Muuse Geelle Yuusuf, waxaan eebbe uga baryayaa in uu la garab galo mas’uuliyadda culus. Guddiga doorashada heer Federaal iyo guddiyadda doorashooyinka heer dowlad gobol waxaa saaran xil weyn oo ah in ay hogaamiyaan doorasho daah furan oo dalka ka saarta xaaladda adag ee kala guurka ah, waxaana Guddoomiye Muuse u rajeynayaa in uu qaato kaalin hoggaamineed oo hufan.”

Ugu dambeyntii siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraalkii uu ka soo saaray doorashadaas ku yiri, “Waxaan u hambalyeynayaa Muuse Geele Yuusuf oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal. Waxaan u rajaynayaa in uu Guddiga si hufnaan leh u hoggaamiyo, una meelmariyo habraacyada doorashooyinka, si daahfurnaan leh.”

Guddiga doorashooyinka heer federaal oo ka kooban 25 xubnood ayaa maanta Muqdisho ku qabtay doorashada guddoomiyahooda, waxaana ku soo baxay oo guddigaas hoggaami doona Muuse Geelle Yuusuf , doorashadaan ayaa soo bandhigtay is xulufeysi siyaasadeed oo hor leh.

Doorashadan ayaa markii ugu horreysay ay isku xulufo ka dhigtay Farmaajo, xubno ka tirsan mucaaradka iyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada, halka ra’iisul wasaare Rooble iyo Saciid Deni ay dhinac noqdeen.

Muuse Geelle Yuusuf oo guddiga kasoo galay dhanka Puntland, ayaa taageero ka helay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble iyo Madaxweyne Saciid Deni, halka murashax Cabdiraxiim uu taageero ka haystay madaxtooyada Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Musharaxiinta mucaaradka ah.

Hase yeeshee waxaa tartanka ku guuleystay Muuse Geelle Yuusuf oo ah musharixii ay wateen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni, kadib markii uu helay 14-cod, halka musharaxii la tartamay uu helay 11-cod.

The post Sidee ayey mucaaradka uga falceliyeen doorashadii ay ku kala jabeen ee shalay? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this