Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya Oo Ka Codsatay Hay’adda WHO Inay Baadhitaan Ku Sameyso Tedros Adhanom

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Dawladda Itoobiya ayaa ka codsatay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO in ay baadhitaan ku samayso madaxeeda gaarka ah ee Itoobiya Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Waxa ay dowlad Itoobiya ku eedeeysay madaxa WHO in farogelin ku sameeyo siyaasada dalka Itoobiya.

“Waxa uu faragelin ku hayay arrimaha gudaha ee Itoobiya oo ay ku jirto xidhiidhka Itoobiya iyo dowladda Ereteriya,” ayay tidhi dowladdu.

Waxa kale oo ay ka digtay in Dr Tedros uu khatar gelin karo sharafta hay’ada WHO.

Toddobaadkan uun, Dr Tedros waxa uu ku tilmaamay xaaladda nololeed ee ay dagaaladu ku dhufteen ee Tigray inay yihiin Naar, wuxuuna ku eedeeyay xukuumadda inay ka hortagayso dawooyinka muhiimka ah ee soo gala gobolka.

Dhanka kale dowladdu waxay ku eedaysay mucaaradkeeda – falaagada Tigray – inay xannibeen gargaarka.Dhammaan dhinacyada isku haya colaadda ayaa lagu eedeeyay inay weerareen ama la wareegeen sahayda gargaarka.

Addis Ababa ayaa horay ugu eedeysay Dr Tedros inuu taageeray jabhaddii Tigrayga xilligii ay socdeen dagaallada sokeeye ee Itoobiya, taasoo uu beeniyay.

Dr Tedros ayaa ka soo jeeda qoomiyada Tigreega, waxaana uu ahaa wasiirkii caafimaadka dawladii hore ee Itoobiya, taasoo ay hoggaaminaysay kooxda TPLF.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this