Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Bada ee Somaliland oo soo qabtay Maraakiib Masar laga leeyahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidammada ilaalada xeebaha Somaliland ayaa soo qabtay illaa Afar Markab oo si sharci-darro ah uga kalluumaysanayey xeebaha galbeed ee Somaliland.

Ciidamada ilaalada biyaha Somaliland oo la sheegay inay ka bexeen gobolka ay Somaliland ugu magic dartay Selel ayaa gacanta ku soo dhigay afarta Markab oo laga leeyahay dalka Masar, kuwaas oo si sharci darro ah uga kalluumaysanayey xeebaha Somaliland.

Soomaaliland ayaa horay waxaa ay digniin ugu dirtay maraakiib ay sheegeen inay si sharci darro uga kalluumeystaan xeebaha Somaliland, waxayna horay u masaafuriyeen dad ajaanib ah oo ay ku eedeeyeen inay ku howlanaayeen ugaarsi iyo kalluumaysi sharci daro ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this