Sign in to follow this  
Deeq A.

Aan Ku Dulmiyee Dalka Aniga Lay doortaye Nabada Ilaasho.

Recommended Posts

Deeq A.   

CabdicasiisMaxamed.jpg

Maqaalkayga maanta wuxuu ku saabsan yahay wax yaabaha muddooyinkii u dambeeyay dalkeena Somaliland ka socda oo marka laysku soo xooriyo isugu soo biyo shubanaya muddo kordhin uu Madaxwaynuhu rabo inuu qasab iyo sifo baalmarsan sharciga dalka ku helo, taasina aanay doorkan maanta ah u ekayn mid u suurto galaysa wax kasta oo dhaca iyo qiimo kasta oo ay la timaado.
Waxaynu arkaynaa in bulshada walaalaha ah lagula dhex wareegayo kala qaybin iyo reer baa dagaalamaya ama hanjabaya, taas oo ah iska horkeen bulsho walaala iyo maaweelin lagu maaweelinayo bulshada shirar jaraa’idyo.

Anigoo raba inaan yara iftiimiyo halkaa, horta waxa qurux badan in la fahmo inaan meesha reero isku hayn ee xisbiyo isku hayaan, xisbiyadana dadku ku wada jiro oo aanay reerna gaar u ahayn, dadka badhna doonayaan inuu sii haysto Madaxwaynuhu badhkalena doonayan inuu isbadel yimaado.

Markay sidaa tahay, doorashooyinku waa waxa umadda kala jihayn mara, haddii uu marlabaad madaxwaynuhu isa soo taago oo uu k u guulaysto waa nasiibkiisa waana loogu hambalyaynayaa laakiin waa khalad ah inuu la meeraysto inuu doorasho qabto umaddana isku diro.

Waxaan arkayay in baryahan media da ay wareegayso dagaal baa dhacaya iyo waa lays dilayaa iyo reer West Burco Clan la yidhaahdaa reer kale oo Gabiley Clan la yidhaahdo dagaal ku qaadaya, qaabka laysugu ja jawabayaana ay sidaa tahay, horta dadku waa dad wada dhashay mana jirto, reer intuu qoryo soo gurto reerkale oo walaaladiiya kala dul dhacayaa waa been iyo bulsho walala oo laysu bahalo galinayo, waxaase jirto mawqif u yaala dadka cidwalba haku jiraane isbadel doonka ahi ay ku dhaqaaqi doonaan oo ah in haddii doorasho la qaban waayo, ay toos ugu soo dareeyaan kursiga dalka looga arimiyo madaxtooyada, tusaale taageerayaasha mucaaridku maalinta la gaadho 13,Nov, 2022, ama doorasho ayay u dareerayaan ama madaxtooyaday ku soo dareerayaan. cid ay la dagaalamayaan ma jirto ee waxay leeyihiin Muusow way kaa dhamaataye ka kac, waa teegeerayaasha xisbiyada mucaaridka ah oo dhan laakiin maaha reer, ciidanku waa ciidankii qaranka waana ilaaliyayaasha cadawga cidina juuq u odhan mayso, waxaase maalinta taageerayaasha xisbiyada ka go’an, cidkasta oo ama gacan ula timaada ama af guracan ula timaada inay jawaab waafi ah siiyaan, iyaguse cidna dhib kaga horayn maayaan, rabitaankooda isbadelna joojin maayaan. qasna ma jiro, cid hor istaagi kartaana maalintaa ma jirto ee horta taa ogaada, nina yaanu ku riyoon inuu xoog iskaga sii fadhinayo dadkana iska horkeenayo oo reero u qaybinayo, ninawna hadalku yaanu kaasii dhamaan waxa la doonayaa waa isbadel ee maaha dagaal sokeeye iyo reero laysku gubo, isbadelkana waxa dhalinaya taageerayaasha guud ahaan xisbiyada ragg iyo dumar, caruur iyo cirroole maalintaa ama doorasho ayaa loo dareerayaa ama kursigaa laguwada fadhiisanaya horta taa ku biyo caba, mida kale bulshada rayidka ah ee isbadelka samaynaysaa joogsan mayso, ragg, dumar, caruur, waayeel cidwalba way ka koobnaan doonaane marka uu Madaxwaynuhu ciidanka ku dalbado haddii ciidanku bulshadooda laayo oo hooyooyinta laayo, oo caruurta laayo, oo cid walba laayo markaas baa la arki doonaa wuxuu Muuse ka dhaxlo isaguna.
Waxaan soo jeedinayaa, ciidanku xaq bay u leeyihiin inay amniga sugaan cidina amni daro kulama kacayso iyaga iyo dalka iyo dadka toona laakiin isbadelka cidina hor istaagi mayso ee ciidankuna haka feejignaado ficilada uu ku kici doono, maalintaasi waa maalintii isbadelka nina yaanu wax kale ka sheekayn iyo reeraa isku duulaya oo is dilaya ma jirto dad wada dhashay oo isdilayaa, laakiin waxaa balan ah inuu isbadel dhacayo insha allah.
Ugu dambayn waxaan odayaasha, dhalinyarada, haweenka iyo caruurtaba u soo jeedinayaa inay maalintaa isbadelka ka qayb qaataan, amnigana ilaashadaan, lana joojiyo hadalada aan micnaha badan lahayn ee naxliga iyo qabyaalada bulshada walaalaha ah laysugu bahalo galinayo.
bulshaduna ha is ixtiraanto ilaahayna halaga baqo markasta iyo meel kastaba.

wabilaahi tawfiiq
Cabdicasiis Maxamed

aziiz9000@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this