Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin tuute iyo qori ku hubaysan oo lagu qabtay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
Boosaaso-1.jpg?resize=720%2C540&ssl=1

Qaar kamid ah Shacabka magaalada Boosaaso ayaa xalay gacanta ku dhigay nin hubaysan oo qori ku baaranayay dadka.

Shacabka ayaa cayrsaday ninkaas oo tuute ku lebbisnaa islamarkaana qorigii ka qaaday waxaana isaga iyo qorigiiisi lagu wareejiyay Booliiska.

Booliiska ayaa xabsiga u taxaabay eedaysanaha oo aan weli la xaqiijin dhinaca uu ka tirsanaa iyadoo haatan baaritaan lagu hayo.

Saraakiisha Booliiska ayaa Puntland Post sheegay in baaritaan kadib sharciga la hor-gayn doono ninka tuutaha iyo qoriga wax ku baaranayay ee shacabku qabteen.

PUNTLAND POST

The post Nin tuute iyo qori ku hubaysan oo lagu qabtay Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this