Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo golaha wasiirada la wadaagay go’aanka xiriirka dibadda ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxmed Xuseen Rooble oo maanta guddoominayay Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada ayaa ka hor sheegay in marnaba aysan suurta-gal aheyn in Soomaaliya ay colaadiso dalal kala dhaxeeyan dano badan.

Waxa uu sheegay in xukuumaddiisu ay ku dhaqmeyso siyaasad arrimo dibadeed oo ku saleysan halka ay ku jirto maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed, xilli uu dhawaan dib u soo celiyay xiriirka Soomaaliya ee dowladda Imaaraadka Carabta.

“Waxaa naga go’an in aan wanaajino xiriirka aan la leenahay caalamka, gaar ahaan dalalka aan la leenahay xiriirka ganacsi, waxbarasho iyo socdaal, anaga oo markasta tix-gelinayna halka ay ku jirto maslaxada umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

“Sida aad la socotan suurta-gal ma aha in aan si macno laheyn u colaadin dalal aan walaalo nahay oo ay sanad kasta na-dhex marto malaayiin dollar, sidoo kalena marin iyo deegaan u ah qeybta u weyn ee ganacsigeena dibedda.”

Sidoo kale waxa uu cadeeyay in xukuumadda ahaan aysan jirin dal ay gooni u beegsanayaan, islamarkaana ay xiriir wanaagsan la yeelanayaan cid kasta oo maslaxo ugu jirto umadda iyo dalka Soomaaliyeed.

Hadalka Rooble ayaa imanaya xilli uu dhawaan dowladda Imaaraadka ka raali-galiyay dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda Soomaaliya ugala wareegtay lacag laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u ballan-qaaday dowladad Imaaraadka in lacagtaas oo ku jirta gacanta dowladda lagu wareejin doono waqtiga ugu dhaw, ayada oo uu si weyn uga horyimid madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

The post Rooble oo golaha wasiirada la wadaagay go’aanka xiriirka dibadda ee Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this