Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Soomaali Ah Oo Laga Soo Daynayo Xabsiga Guantánamo Bay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Cuba)-Guuled Xasan Duraan oo ah nin Soomaali ah kuna xidhan xabsiga Guantanamo Bay ayaa la sheegay in laga sii daynayo xabsiga.

Guuleed Xasan Duraan, oo 47 jir ah, ayaa go’aan lagu gaadhay in la siiyo daayo subaxnimadii Isniinta oo ku beegneyd sannad-guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii xabsiga lagu hayo ee saldhigga ciidammada badda Mareykanka ee Cuba.

Duraan ahaa maxbuuskii ugu horreeyay ee laga keeno xabsiyada qarsoodiga ah ee CIA ayaan weligii lagu soo oogin wax dacwad ah, waxaana laga qabtay dalka Jabuuti sannadkii 2004-tii, wuxuuna ku sugnaa ilaa 900 oo maalmood xabsiyo aan la ogeyn ka hor inta aan loosoo wareejin xabsiga qarsoon ee CIA oo ku yaala Guantanamo Bay.

Waxa uu noqonayaa maxbuuskii 16-aad ee 39-ka maxbuus ee weli ku jira Guantanamo oo loo ogolaaday in la sii daayo, hadii uu helo dal qaabilaya oo damaanad qaadaya amnigiisa isla markaasna uu ku qanci karo xoghayaha difaaca, Lloyd J. Austin III

Kuma laaban karo dalkiisa sida uu dhigayo sharciga congress-ka ee diiday wareejinta maxaabiista Guantanamo ee Soomaaliya, Libya, Syria iyo Yemen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this