Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulkii ugu horreeyey oo bilaabay dhaqan-gelinta go’aanadii Golaha Wadatashiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Koonfur Galbeed ayaa noqotay maamulkii ugu horreeyey ee bilaaba dhaqan-gelinta go’aanbadii kasoo baxay shirkii Muqdisho ee Golaha Wadatashiga Qaran, waxaana ay ku dhowaaqday qabashada doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saaray liiska doorashada shan kursi oo ka mid ah xuldhibaanada xubnaha Golaha Shacabka ee ka imaanaya dhinaca maamulkaasi, kuwaas oo la qabanayo doorashadooda.

Guddiga ayaa sheegay in isla maanta oo Khamiis ay bilaabaneyso diiwaan-gelinta iyo shaacinta guddiga xulista ergada, kadibna lasii amba qaadi doono doorashada.

Kuraasta la shaaciyey ayaa kala ah HOP, 184, HOP, 85, HOP, 156, HOP 176 iyo HOP 45, waxaana doorashadooda la qabanayaa 18-ka bishan oo ku beegan Talaadada soo socota.

Sidoo kale kuraastan ayaa ka mid ah 11-kii kursi ee ay ku dhowaaqday Koonfur Galbeed inay qabaneyso doorashadooda 01.01.2022-ka, balse uu soo dhex-galay shirkii Muqdisho.

“Guddiga doorashooyinka ee heer dowlad goboleed SEIT Koonfur Galbeed waxay halkan ku soo bandhigayaan jadwalka qabashada doorashada 5 kursi oo ka mid ah 11-kii kursi oo la shaaciyey 01.01.2022-ka,” ayaa lagu yiri warqadda ka soo baxday guddiga.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ku heshiiyey in doorashada la dadajiyo, isla-markaana lagu soo gabagabeeyo muddo 40 cisho ah, si loo sii gudii galo mida madaxweynaha.

Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guurka ee ka dhalatay doorashooyinka, kadib marki ay dib uga dhacday waqtigii loo qorsheeyey muddo hal sano ah, sababo la xiriira muranka doorashada ee u dhexeeyo dowlada federaalka, maamullada iyo mucaaradka.

2022113637776322628205843.jpg?resize=660

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

The post Maamulkii ugu horreeyey oo bilaabay dhaqan-gelinta go’aanadii Golaha Wadatashiga appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this