Sign in to follow this  
Xafsa

Somali

Recommended Posts

Xafsa   

I don't know why I haven't been reading somali poems before...I'm starting to see what a rich and amazing language we have.

Here are a few somali poems/ halqaad I enjoyed reading.

 

 

Amaan Dumar

 

Maxamed Nuur Fadal (HJ)

1. Xasanow dhawaaq gabay haddaad iga dhaguugayso

2. hadduu guur qalbiga kaaga dhaco dheelin baad tahaye

3. dhadhan ma laha naagaa middii dhoocil noqotaaye

4. dhulka jiifto lama guursadiyo dhererka qaarkiise

5. hadday dhuubo weyd tahayna waa raaxo kaa dhimane

6. meesha iyo dhalaanimo middaan anigu dhowraayay

7. dhildhilada gacmihiyo shanshada dhumucda loo yelay

8. dhexda madaga dhaayaha indhaa dhaban wanaageda

9. dhudda qoorta iyo faayahay dhudi la soo jeedo

10. dhubbad qaadka timahaad haldhaa dhalinki moodayso

11. cirrid dhuxla iyo suuniyaa dhibic dawaadeeda

12. dhumbal-mada cad dhoolaa ilkuu dhayag noo dile'e

13. saddex dhudalay dhaclaa iyo dawali dhixir wanageda

14. sindi dheehan Qoolow sidii lagu dhex taalleeyay

15. waqfiyada gacmaa lagu dhuftee saayaq lagu dhaabay

16. dammideedba maantay deerays dheeg iskaga yeesho

17. ee ay dhabeelnimiyo qurux dhuuxa ka iftiinto

18. dhugta lugha iyo faayahay dhebel u sii dayso

19. kolkay socodka dhiif uma waddee dhebi sidii liicdo

20. dhega inan rag kay dhinac martaa dheelmatiin galabe

21. dhaqan iyo adduun lama hadheen dhogorta xoolaade

22. inta dahabka lacag dheertahay dumarka dhaantaaye

23. dhadhab igula looshiyo hurdada dhool anoo ladaye

24. dhuuxaga iyo feedhay dhudi ku laaqnayde

25. sidii malagga ruuxayga dhigay laygu kaa dherere

26. inkastay dhallaan yeelatiyo ubad dhawaaqaaya

27. dhimashada ha joogtee si kale waw dhur sugayaa

28. dhufsataye qalbiga maanigaa dhudi ka reebaaya

 

~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~

 

Cumar Xuseen (Austerelie), (HA)

 

Gabayga soo dhamaytir hadaada hayso.

Qureeshkeeda Faadumo haddaan qaar ka mid ah sheego

Tallaabada qallooc uma dhigtee way qotomisaaye

Qalbigaa ku faaraxa markay qaaddo laafyaha'e

Allaw hayga soo qaban intaan Qalanjo gaadhaayo

 

~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~

 

Haddaad Dhimato Geeridu marbay nolosha dhaantaaye

Dhaqashiyo marbay kaa yihiin dhereggu xaaraane

Dhadhan malaha aadmigu wuxuu kugu dhalliilaaye

Dheddigaansho waa ceeb inaad dhamagsataa meele

Nin dharbaaxo quudheed dugsaday dhaqayaded maalye

Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abade

~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~

 

Cilmi Boodhari

Dayax ka muuqdheer

 

Nimanyow dabuub gabay beryaha kuma danuukhayne

Kolba aniga oo daayey baa igu diraysaane

Idin diidi maayee waxaan dood u celin waayey

Mid duusho yarbaa eabahay iigu daw galayey

Aqal daahyo weyn derged iyo daar middaan galaba

Dalaalimo habeenkii haddaan meel dudda a seexdo

Dayax iiga muuqdheer midduu duunku caashaqaye

Iga daaya hadalqaadkedu waa iiga darayaaye

Share this post


Link to post
Share on other sites
Batuulo   

a/c wr wb..

 

woow flying nice topic gacalo i like it, ;)

 

gabayada aan ka xiiseeyo somalida mid ka mid ah waa kan:--

 

Allow yaa af lama daaliyee iga asluubaysta Sayid Maxamad Cabdulle xasan

 

`Xuseenow caqligu kaama baxo, idam llaahaye

Ha laguu aqbalo duca san baan, kuu akhriyaaye

lfkana waaya noo joog, niinaan aaminaad tabeye

 

Haddaad umaaddo waan kuu hubaa, ina uduu khayre

Asaxaabihii baad u tegi, udugga weynaaye e'

Irdihii jannada inaad ka geli, waa ogsoonahaye

 

Hawl kalana waa eray yaraan, kuu erganayaaye

Alla igama qaadow adaan, kala illaaweyne

Eedaanka maqal waa salaad, loo addimayaaye

 

llaahi abuuraba kuwii diiday, amarkisa

Ambiyaalihii iyo kuwii, owliyada caayay

Asxaabtii dariiqada kuwii, awlaxa u qaaday

 

lkhyaarkooda nimankii kufiriga, ugu adeegaayey

Aan lagu igraahine kalgacal, ugu abraaraayey

Kuwii ubad nasaaraad noqdee, ferenji aanaystay

 

Nimankii amxaara u kacee, Adarinuu guurey

Oo Aw-Cabaas diley, dadkaan eedi kala gaarin

Oo uunka kala fiijiyee, kala irdheysiiyey

 

Nimankii amxaara u kacee, adarinuu guurey

Oo Mililikh aabbe u yehee, u arrin qaadaayo

Oo xabashi eegi u noqdee, u ololaynaayey

 

Ingiriiska nimankii wadee, nagu aseebaayey

Afbakayle nimankii kufriga, uraya noo keenay

Ee oodagooyiyo na dhigay, aydii daratoole

 

Nimankii ikhwaankii jaree, aabiga u laayey

Ragga ehelukhayrkaa warmaha, kala ajoon waayey

Oo umal daraadiis girliga, ugu afuufaayey

 

Idilkoodba nimankii dagaal, iigu imanaayey

Nimankaan inkaaree madfaca, ololi ii haystey

Ee ubaxcaddaydii hartiga, oofta kaga joojay

 

Nimankii iniinaha ka dhigay, ilig wixii joogay

Ee Eerago iyo Batalo, igu uquumeeyey

Ee omoska Beerdhiga tukaha, igu ormaysiiyey

 

Nimankii ayaantii Gumburo, oboda ii dhiibay

Ardaashii Jidbaale i heshee, igu unuun goysey

Nimankii uluuf iyo uluuf, igu agoomeeyey

 

Nimankii adduunkaygii dhacay, ariyo geeliiba

Anigoo islaamaba kuwii, ii arxami waayay

Nimankaan Ilaahow lahaa, ayda iga doono

 

Abaalkayga nimankii ba'shee, ii istixayn waayey

Ahabtiyo ergeyntii kuwii, lagala ayn waayey

Nimankii ijaabada ka tegey, aakhiru sabanka

 

Nimankii iblays nagu diree, naga ajoon waayey

Nimankii arlada Eebbahay, naga ugaareeyey

Nimankii awaaraha buska leh, nagu eryoonaayay

 

Nimankii abaartii Caleed, bari na aadsiiyey

Argalkiyo rasaastii kuwii, nagu igbaaraayey

Ee urugadaan qabiyo ciil, igu abaadsiiyey`

Share this post


Link to post
Share on other sites
Batuulo   

kuwi caray Sayid Mahamed Abdulle Hasan

 

Kuwii cararay maantii kufrigu,ciiro soo kiciyey

Coodkooda nimankii baxshayee, ciiska rogi waayey

Carabtey ku joogeen kuwii, cayris kaga rooray

Cakuyey! Kuwii dib u curtaa, ceebta noo dilaye

Cudurlaaga waa lagu yaqaan ,inay cabsoodaane

Waa caadadood baqo inay, caga caddeeyaane

Maantaan cirroobiyo anoo, canug ah oowiila

Carradaba wax badan baan maroo, coobir baan ahaye

Cawroo kalay noqdeen , caabuqii didaye

Allahayoo, canjeelkii tanaa ,iiga ciil badane

Anna carada wax iigu wacan , waa cid li’idiiye

Cashadii daraawiish haday , cidaha noo joogto

Cindigaan ka suuraynayaa, camalladoodiiye

Sidii aar cargaaagtamahayey ,caran lahaayeene

Ciyoontaba waxaa dhici lahaa ,dirir cafaariide

Caddaan miiran iyo sowjar bay, cuni lahaayeene

Cafi ma laha nimankii dorraad, gaalka caawiyaye

Cadowgood alluu-jebigu waa nagu ciyaareene

Casiisow cadaab duulku waa ,caasi khayr darane!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Changed   

naa kalay somali school ma no digoysaa ...i could not read it cuz my glasses are broken secondly i felt $tupid reading after the first line .....the somali is hard..i love cilmi bodhari songs i cant write my fav song in somali but ama write the first few verses i dont know the singers name too redface.gif

 

huwaneyso baroo ,

barkaneyso qaro igu beerdilacsee

and it goes on and on...now help me out with the singers name please :(

 

P S: i loved reading poetry by the sayiid even thought he is kinda rude with his peoms but he was good at it (hooyo made me read it and i never got around to reading it the right way icon_razz.gif )

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xafsa   

Originally posted by MIZZ-UNIQUE:

 

huwaneyso baroo ,

barkaneyso qaro igu beerdilacsee

and it goes on and on...now help me out with the singers name please
:(

Isn;t that the song " Balad weeyn" by hassan aadan samatar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xafsa   

Originally posted by CLOWN:

Flying-Still,

 

Waa laga Qeyliyey Noo, laakiin fiiri adiga aniga maa rabtaa inaad Carabka Muruq iga Geliso waa ogtahay inaa Af-Soomaaligaan aan isku wareereeno

maxaa iigu jilcin weese?

 

Mise waxaa iska Jeceshahay inaa mar walba ku tuug tuugo oo aan ku dhaho Macaaneey ii sharax kan iyo Kaas?

 

Adiga inaa igu Baashaasho aa iska jeceshahay haye, xaasid aa tahay!

you know I love you... :D

 

 

BAtuulo---Thank you hon those were beautiful....I love Sayid max'ed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Changed   

flying still afkaada cajal heesa lagu qabay...

tats my gurl icon_razz.gif ...i was looking for his name ...xassan adan samatar.......baladweyn.......now that is my fav song thanks to u i remember his name

 

here goes my somali/ingris gabay i know its wack but hey icon_razz.gif

 

dhibaato igu falan faraqan ku heestaa

Ee alahayow ii gar gaar ameen ameen

what ever happened to me

i was told to be strong

i was told not to share personal issues

the same time u told me to make him understand

murugbaa i haayow majiifsan karo

allahayow arimahan igu furan xalintoti isii

adoomahan lajooga ima fahman

adaa ug xaladeydee ee alahayow ii fududey

its easy for him to say all that he wants

but it aint easy listining to accusations

my heart yearns to yell

walk in my shoes before u jump to conclutions u a$s

but then the saying do as u would want to be done to u hits me hard

i walk in his shoes to find out ; i would accuse me too

keeping secrets was not in my plan

but who am i to break my families trust

*please be there for me i got problems*

*what problems*

*iska daaf walaalo*

is the closest i get to sharing the my pain

how can i tell him?

i will be a betrayer of my word

it was the first secret i was told

and now i wonder Y i insisted on being told

shoo but i was tired of being wiilo the irresponsible

i wanted to be mature

i wanted to fit in the family circle

i wanted to share happiness

i wanted to share the pain

who it to blame?

wiilo for keeping a family secret :confused:

or her lover for wanting to share the pain :confused:

funny how it ended up heeh

stressed out of nothing

it was a F*ucking test

he chipped in to help

i felt betrayed by his love

yet am paradisiacally dancing

happiness never felt this good

trust never felt this good

and his betrayel never felt this good

 

i know its not all somali but i got some somali in it right :confused: that was my so called somali/english gabay

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xafsa   

^^^^ I love that song too...I love anything by Hassan adan samatar.

 

 

That was deep mizz.....I hope that your ok now. If you ever need to talk then you know who to holla at. luv you

peace

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xafsa   

Allahayow

 

Cali Jaamac Haabiil (HA)

1. Allahayoow aduunyada adaa uuntay keligaaye

2. Allahayoow arwaaxdana adaa qoray arsaaqdoode

3. Allahayoow adoomuhu aday ku irkanaayaane

4. Allahayoow alabaabada adaa ooda oo furae

5. Allahayoow ma awdidoo xaqaad soo iftimisaaye

6. Allahayoow aduunbaw arxama kii itaal darane

7. Allahayoow adaan eex aqoon eedna aan qabine

8. Allahayoow awood adigunbaa loo ogsoon yahaye

9. Ninkaloo itaal lihi ma jiro adiga mooyaane

 

10. Allahayoow midii uurlehiyo tii irmaan dumarka

11. Allahayoow umulihii nin diley ubad jaqsiinaayey

12. Allahayoow mid aano iyo kibir Muumin ku idleeyey

13. Allahayoow addoonimo midaan kugu adeecaynin

14. Allahayoow midkaa ku inkiree diidey amarkaaga

15. Allahayoow mid oogada jirka aad insiga mooddo

16. Allahayoow misana aan ahayn awliyana sheegta

17. Allahayoow ibleys kaa u eeg oonu garan weyney

18. Allahayoow nin aayaadka iyo diinta ku adeegta

19. Allahayoow amaba aan u odhan siday ahaayeenba

 

20. Allahayoow aqqonlaawahaa eeydu daba joogto

21. Allahayoow ibleyska khaliqigu ka ashkatonaayo

22. Allahayoow adigu waad ogtahay waadna aragtaaye

23. Allahayoow adoomaanu nahay diinta aaminaye

24. Allahayoow baryada naga ajiib kuu ergaan nahaye

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this