Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasiga Debed-wareega ah “Max’ud Xaashi”oo Shir-doceed kula yeeshay Hargeysa Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Beesha Habar-awal+Arimuhu kala hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasiga Debed-wareega ah “Max’ud Xaashi”oo Shir-doceed kula yeeshay Hargeysa Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Beesha Habar-awal+Arimuhu kala hadlay

 

Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa caawa  kulan casho sharaf la qaatay 10 Xildhibaan oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland oo laga soo doortay gobolada Maroodi jeex iyo Saaxil.

xil-iyo-maxamuud-xaashi.jpg

Kulankan ay wada yeesheen qaarkamid ah xildhibaanada golaha wakiilada ee kasoo jeeda gobolada saaxil iyo maroodi jeex gaar ahaan beesha madaxwayne biixi iyo siyaasi maxamuud xaashi ayaa  ka dhacay Hoteelka Baraar ee magaalada Hargaysa kaasi oo aan la shaacin ujeedada uu daarnaa iyo arimaha ay wada hadleen xildhibaanada iyo siyaasi dibad wareega ah ee maxamuud xaashi oo isago hore looga saaray xisbiga kulmiye, xisbiga waddani oo uu wadahadalo la furayna uu ku guuldaraystay in uu ka helo damaciisa siyaasiga ah,

laba-qolo.jpg

Warar laga helayo kulan uu xildhibaanada golaha wakiilada ee beesha madaxwaynaha la qaatay siyaasiga dibad wareega ah ee maxamuud xaashi ayaa sheegaya in uu kala hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo furista ururada iyo sidii ay ugala shaqayn lahaayeen in ay iskusoo dhaweeyaan isaga iyo madaxwayne biixi maadama ay yihiin mudanayaasha ka soo jeeda beeshiisa.

xildhibaano.jpg

Halka xogaha kale ee laga helayo kulanka siyaasi maxamuud iyo 10 kamid ah xildhibaan ee laga soo doortay hargaysa, gabiley iyo berbera ayaa tibaaxay in uu ahaa kulan is xaal waraysi oo ujeedadiisu aanay dhaafsiisnayn sawir siyaasadeed uu la galay, balse aanay jirin waxyaabo kale oo ay ka wada hadleen.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this